COPD
COPD iyo nafaqo
Inta badan dadka waxa layaab ku ah in ay bartaan cuntada ay cunayaan in ay saameyn karto neefsashadooda. Jirkaaga waxa uu u isticmaala cuntada sida shidaalka dhamaan hawlihiisa. Isku darka saxda nafaqooyinka ee cuntadada waxay ka caawin kartaa inaad u neefsato si fudud. Cunto keliya kuma siinayso nafaqooyinka aad u baahantahy – cunto caafimaad leh waxa ay leedahay noocyo badan. Adiga iyo kooxdaada daryeelka caafimaadka waxaad samayn doontaan qorshe cunto oo kaliya adiga lagugu tala galay. La kulanka dhaqtarka nafaqada ee diwaangashan wuxuu kaa caawin doona in aad hore u socoto.
Sidee Cuntadu ula Xiriirtaa Neefsashada?
Habka cuntada loogu beddelo shidaalka ee jirka waxaa loo yaqaan dheef-shiid kiimikaad.
Hawada iyo cuntada waa alaabta ceeriinka ah ee habka, iyo tamartu iyo kaarboon dioxide kana waa alaabta la dhameestiray. kaarboon dioxide ku waa badeeco wasakh ah oo aan dibadda u neefsano.
Isku qaska saxda ah ee Nafaqooyinka cuntadaada ayaa kaa caawin kara inaad si fudud u neefsato .
Dheef-shiid kiimikaad ka ee kaarbohaydraytyada waxay soo saartaa kaarboon dioxide logu tala galay cadadka hawada la isticmaalay; dheef-shiid kiimikaadka dufanka waxay soo saaraan kuwa ugu yar. Dadka qaar ee qaba COPD, cunidda cunto karbohaydraytyo yar leh iyo dufan badan waxay ka caawisa in ay si fudud u neefsadaan.
Tilmaamaha Nafaqada:
Dooro kaarbohaydratyada isku qasan sida rootiga nafaqada badan iyo baastada, miraha cusub iyo khudaarta.
Si loo dhimo miisanka: ka dooro miraha cusub iyo khudaarta, rootiga iyo baastada inta badan logu tala galay kaarbohaydraytyadaada qasan.
Si loo kordhiyo miisaanka: Cun raashin noocyo kala duwan oo kaarbohaydratyo dhameestiran iyo miro iyo khudaar.
- Xaddid kaarbohaydratyada fudud oo ay ku jiraan sokorta, nacnaca, doolshada iyo cabbitaannada fudud ee aashitada leh.
- Cun 20 ilaa 30 garaam oo karbohaydrayt ka fiber ka ah maalin kasta, adigoo ka cunaya raashinka sida rootiga, baastada, looska, abuurka, mirahaiyo khudaarta. Cun maadoyin wanaagsan oo borotiin ah ugu yaraan laba jeer maalintii si aad u ilaaliyo awooda murqaha neefsashada . Doorashooyinka wanaagsan waxay isugu jiraan caanaha, ukunta, farmaajada, hilibka, kalluunka, digaaga, looska iyo digirta la qalajiyay ama digirta cagaaran.
Si loo dhimo miisaanka: Dooro borotiinka dufanta yar sida hilibka aan baruurta laheyn iyo waxyaabaha maalinlaha ah ee dufanku ku yar yahay.
Si loo kordhiyo miisaanka: Dooro borotiin leh dufan sare sida caanaha oo dhameesitren, farmaajo caano dhameestiran leh iyo caanaha fadhiya(yoghurt).
- Dooro dufanta kelida ah iyo tan badan an fadhin, oo aan ku jirin kolestarool. Kuwaani waa dufanta inta badan ku dareera qolka heerkulka waxayna ka yimaadan ilaha dhirta sida canola safflower iyo saliida galleyda laga sameyay.
Si loo dhimo misaanka: xaddid qaadashadaada dufankan.
Si loo kordhiyo miisaanka: ku dar noocyadan dufanka ah cuntadaada.
- Xadid cuntada ay ku jiraan dufanka badan iyo kuwa fadhiya. Sida:subaga, baruurta iyo maqaarka hilibka,Saliidaha khudaarta hydrogenatedka ah,gaabinta,cuntooyinka shiilan,buskud,iyo macmacaan.
- Ogow:kuwaani wa habraaca nafaqeynta guud ee dadka qaba COPD. Qof walba baahidiisu way kala duwan tahay marka la hadal dhaqtarkaada ama dhaqtarkada cuntada ka hor intaadan isbeddel ku samayn cuntadaada.
Hubi Miisaankaaga:
Caado u yeelo in aad si joogto ah isku miisaanto. Miisaanku wuxuu kuu digayaa inaad lumiso kiiladaada ama kordhisid. Waa inaad u tagtaa dhaqtarkaaga ama dhaqtarkaaga cuntada haddii aad sii wado inaad miisaankaga lumiso ama uu miisaankaga kordho markaad raacaysid cuntada lagula taliyay. Waxaa jira dhibaatooyin caafimaad oo ka dhalan kara miisaanka oo yaraada ama kordha. Jirka nafaqeysan ayaa si fiican u xamili kara caabuqyada. Marka dadka qaba COPD ay qaadaan caabuqa, si degdeg ah ayey u noqon kartaa mid halis ah waxayna keeni kartaa isbitaal. Nafaqada wanaagsan waxay kaa caawin kartaa ka hortagga inay taasi dhacdo. Haddii jirradu dhacdo jirka si fiican u nafaqeysan ayaa si fiican ugu jawaabi kara daawaynta.
Fitamiinada iyo Macdanta:
Dad badan ayaa u arka qaadashada fitamiin badan oo ujeedo-guud ah mid waxtar leh. Badanaa dadka qaba COPD waxa ay qaataan steroid-yaal. Isticmaalka muddada dheer ee steroid waxay kordhin kartaa baahidaada kalshiyamka. Tixgeli qaadashada kalshiyamka dheeraadka ah. Raadi mid uu ku jiro fitamiin D. Karboonka kalshiyamka ama citrate kalshiyamka waa ilaha wanaagsan ee kalshiyamka. Ka hor intaadan ku darin wax fitamiino ah hawl maalmeedkaaga, hubi inaad kala hadasho dhaqtarkaaga.
Sodium:
Soodhiyam aad u badan waxay keeni kartaa barar taasoo kordhin karta cadaadiska dhiiga. Haddii bararka ama dhiig-karka ay dhibaato caafimaad kugu yihiin, kala hadal dhaqtarkaaga inta soodhiyam ay muhiim tahay inaad cunto maalin kasta. Weydii dhaqtarkaaga cuntada wax ku saabsan xawaashyada iyo dhir udgoonka cuntadaada iyo wadooyin kala oo aad ku yareen karto qaadashadaada soodhiyamka.
Dareereyaal
Cabidda biyaha badan muhiim maaha kaliya inay ka ilaaliso fuuq-baxa, laakiin sidoo kale waxay ka caawinaysaa mucus-ka qafiifsan ka saaris fudud. Kala hadal dhaqtarkaaga wax ku saabsan qaadashadaada biyaha. Hadafka ugu wanaagsan ee dadka badankood waa 6 ilaa 8 koob (8 wiqiyadood oo dareere ah midkiiba) maalin kasta. Ha isku dayin inaad cabto dareerahan badan halmar; ukala qaybi maalintii oo dhan. Dadka qaarkood waxay u arkaan inay waxtar leedahay in subax kasta dhalada laga buuxiyo dhammaan biyaha ay tahay inay cabbaan hal maalin gudaheed. Waxay dib u buuxin karaan dhaladooda weelkaas oo ay la socdaan horumarkooda inta lagu jiro maalinta. Xusuusnow, dareera kasta oo caafimaad leh oo aan caffeine laheyn ayaa lagu tiriyaa goolkaaga dareeraha, iyo cuntooyinka ugu badan sidoo kale wa ay ka qayb qaataan cadadka xad taaban karo oo dareere ah.
Isticmaalida wax soo saarka nafaqaynta caafimaad
Waxaa laga yaaba inay kugu adkaato inaad la kulanto baahidaada nafaqeynta cuntooyinka caadiga ah, gaar ahaan haddii aad u baahantahay kalooriyo badan maalin kasta. Sidoo kale haddii dhaqtarkaaga kuso jeediyo inaad ķa heli karto kalooriyo badan oo dufan ah – kala duwanashaha dufanta badan an dharagsanayn ,dufanta keliga ah aan dharagsanayn iyo kolostaroolka hooseeyo – waxaa laga yaaba inaadan si fudud ugaarin goolkan adigo cunaya cuntada caadiga ah. Dhaqtarkaaga cuntada ku taqasusay ama dhaqtarkaaga ayaa laga yaaba inu kugu taliyo inaad cabto dareere loo yaqaano badeecada nafaqeynta caafimaadka (kabka). Qaar ka mid ah alaabooyinkaas waxaa loo isticmaali karaa cunto dhamaystiran oo ay isticmaalaan dadka aan cuni karin cuntooyinka caadiga ah,ama waxaa lagu dari karaa cuntada caadiga ah dadka aan cuni karin wax ku filan.
Tilmaamaha cuntada
- Naso kahor intaad an wax cunin.
- Cun cunto badan subaxdi hore haddii aad saaid u daalan tahay maalintii xilliyada danbe
- Ka fogow cuntada keeni karta gaas ama dabarnaansho. Waxay u egyihiin inay neefsashadaada la dhigayaab mid adag.
- Cun 4 ilaa 6 cunto maalintii.Tani waxay u ogolaanaysaa diaphragm-kaagu inuu si xor ah u socdo oo sambadaadu ka buuxsamaan hawo oo ay si fudud u faarujiyaan.
- Haddii cabitaannada cuntada lagu cabo ay dharag kuu keeneyso, ku xaddid cabitannada cuntada; cab saacad kadib cuntada.
- Ka fiirso inaad ku darto kab nafaqo oo habeenkii ah si aad isaga ilaaliso inaad dhereg dareento maalintii.
Source: American Lung Association