Diabetes type 1 (suikerziekte) Somalisch

Sokorowga nooca 1aad

Waa maxay sokorowga nooca 1aad

Sokorowga nooca 1aad waa cudur daba-dheerad aan la daweyn karin oo mar hore soo bilawday. Cudurka badana wuxuu ku horumaraa waqti yar gudihiisa iyo caadiyan waxaa lagu arkaa da’da dhalinyarta ah.

Magacaabidda: sokorowga mise cudurka sokorowga la xariira?

Magaca rasmiga ah oo buuxda ee sokorowga waa diabetes mellitus. Waxa badana maqli ereyga ā€˜diabetes’ sokorowga kaliya. Ereygas qalad badan aya loo fahmi karaa. Sida qof sokorow qaba sokor dhan ma cuni karo. Sida darted ayan u dooranay inan sokorowga dhaho. Sido kale sokorowga nooca 1aad, sokorowga nooca 2aad wuu ku jiraa.

Meeqa qof ayaa qaba sokorowga nooca 2aad?

In ka badan 1.1 milyan oo dadka hollandeeska ah aya qaba sokorowga. İlla iyo 9% waxay qabaan sokorowga nooca 1aad. Dadka caadiyan waxay qaadaan sokorowga noocan ah curuurnimadooda, lakin dadka wa wayn xita way qaadi karaan. Ugu badnaan caruurta qabta sokorowga waxay qabaan sokorowga nooca 1aad, inkasto ayamahan sokorogwa nooca 2aad xita uu ku dhaco caruurta. Dadka.wa wayn badankood waxay qaadaan sokorowga nooca 2aad.

Maxa ka dhaca sokorowga nooca 1aad?

Markaad laqdo karbohaydrayt (starijyo iyo sokor), jirka wuxuu u bedelaa gulukoos. Gulukooska wuxuu galaa dhiiga. Markaas ayan dhahna gulukooska dhiiga. Iyadoo la maraya dhiiga, gulukooska wuxuu ku dhamaadaa unugyada jirka. Marka gulukoos ka wuxuu udhiiba jirka enerji. Tani waxaad ugu baahantahay tusaale neefsashada, dhaqaaqaa iyo garcaaga wadnaha.

Unugyada wuxuu jiitaa gulukooska dhiiga iyagoo kaashanaya hormoonka insulin. Hormonkan waxa lagu sameyay xameetida dhexdeeda. Caadiyan, jirka wuxuu hubiya in insulin ku filan jirto si gulukoos ka looga so qaado dhiiga la geeyo unugyada. Insulin wuxuu u shaqeya sida furaha oo kale: wuxuu furaa albaabyada unugyada jirka si gulukooska dhiiga uso gali karo.

Sokorowga nooca 1aad wuxuu dhacaa marka xameetida uusan soo saarin insulin dhan. Unugyada xameetida oo soo saara insulin waxaa burburiya difaaca jirka. Taasi waxaa la dhahaa ficilka difaaca jirka ā€˜autoimmune reaction’. Sokorowga nooca 1aad markasi waxaa la dhahaa cudurka difaaca jirka. ā€˜autoimmune disease’. Dadka qaba sokorowga nooca 1aad, gulukooska ma gali karo unugga oo dhiiga ayuu ku haraa. Gulukooska dhiiga heerkiisu markasi saaid ayuu u sareya.

Waa maxay macanaha gulukooska dhiiga?

Gulukooska dhiiga heerkisa waa cabirka cadadka gulukooska dhiiga ku hara. Ilaalinta gulukooska dhiiga heerarkiisa waxaa habeeya hormoonada insulin iyo glucagon. Insulin la wuxu hubiya qaadista gulukooska unugyada loo qaadayo. Glucagon wuxuu hubiya gulukooska unugyada laga soo daaynayo. Habkaan wuxuu ku hayaa heerka gulukooska dhiiga xad toosan. Dadka caafimaadka leh, xaaldaha caadiga ah markii lagu jiro, heerka gulukooska dhiiga wuxuu dhaxeya 4 illa iyo 8.

Sokorowga nooca 1aad, maadaama ay jirin insulin gulukooska unugyada geeya, heerkooda wuxu ukacaa in ka sareysa 8. Unugyada markaas ayay gulukooska qaadan karaan mar kale. Markaas heerka gulukooska dhiiga caadi kuso laaban karaa. Lakin dadka sokorowga nooca 1aad qaba if iyo dhif ayay heerka gulukooska dhiiga caadi ku hayn karaan. Taasi waxaa sababta cadadka insulin ka oo adag in la gaarsiiyo cadadka qofka uu cuno. Qodobyo kale xita way saameyan qiimaha gulukooska dhiiga, sida jirada, streeska, aalmiitada iyo alkolada.

Goormee qofku qabaa sokorowga?

Qofka sokorowga wuxuu qabaa haddii gulukoos ka dhiiga qiimihiisu go’aansan yahay:

  • 7 mise in ka badan oo xaalad miir qabid (waxba aan la cunin mise la cabin biyo maahane 8 saac laso dhaafay).
  • 11.1 mise in ka sareysa waa ku dhawaad 2 saac kadib raashinka.

Marxaladda hordhaca ah ee sokorowga waxa lo tixraaca markii qiimaha dhiiga:

  • Udhaxeeyo 6.1 iyo 7 marka miirka qabo.
  • Udhaxeeyo 7.8 iyo 11.0 ku dhawaad 2 saac kadib cuntada.

Gulukooska dhiiga heerkiisu waa caadi haddii:

  • Qiimaha soonka uu yahay 6.0 mmol/l mise in ka yar.
  • 2 saac kadib raashinka uu ka hooseyo 7.8 mmol/l.

Waa maxay sababaha keena sokorowga nooca 1aad?

Weli cadayn badan ma jirto oo ku saabsan sababta keenta sokorowga nooca 1aad. Boos badal dhaxal ah wuu ku lug leyahay, iyo weliba qodobyo deegaan iyo nafaqo ah way ka qeyb qaataan. Waxa kalo jira tilmaamoyin in ilmaha naaska la lasiiyo ay leyihin khatar yar inu ku dhaco sokorowga kadib.

Sameynta caafimaad ee sokorowga

Calaamadaha hyper ka (heerka gulukoos ka dhiiga sareya) Dadka sokorowga nooca 1aad qaba waxay qabi karaan heer heerka gulukooska dhiiga oo saaid usareya. Tani wa lo yaqana hyperglycaemia mise ā€˜hyper’ laso gaabiyay.

Hyper ka wuxuu sababaa cabashoyin kala duwan, sida daal iyo tacbaan, dareen ka oo dhaqsi is badala, oon, abatayt la’aan mise baahi, kaadi joogto ah, aragti shucaac ah, lalabbo mise matag. Haddii hyper ka la daweyo, calaamadaha caadiyan si dag dag ah ayay u dhamaadaan. Heerka gulukooska dhiiga oo sareya muddo dheer wuxuu dhaawaca xididada dhiiga. Sidaa darteed ayay dadka qaba sokorowga ay khatartoodu badan tahay inuu ku dhaco cudurada wadnaha. Cabashoyinka kale oo kordhi kara waa dhaawac kilida daba dheeraad ah, sokorow lugeed iyo aragga daciifa.

Calaamadaha hypo (gulukooska dhiiga hooseya)

If your blood glucose levels fall below 3.5, you have a hypo. The symptoms are mild irritability (dysphoria), trembling, sweating, palpitations, yawning and mood swings. If the blood glucose levels really get too low, a person faints. In the worst case, this can lead to permanent brain damage or death. This is because the brain cells are also deficient in glucose and “drop out”. It is therefore necessary to eat or drink something sweet immediately after a hypo.

Haddii gulukooska dhiigaaga heerkiisu la hoos maro 3.5, waxad qabta hypo. Calaamadaha waa xanaaq khafiif ah(dysphoria), jarayn, dhidid, wadna garaaca xowliga, halaaqo iyo dareen is bedel. Haddii gulukooska dhiiga heerkiisu uu saaid uhooseeyo, qofka wuu suuxaa. Hadday ugu darnaato, tani waxay ku geyn kartaa dhaawac maskaxda oo joogta ah mise geeri.

Sidee ku ogaanaysa hypo?

Waxad ka ogaan karta hypo:

  • Jaraynta
  • Dhididka
  • Wadna garaaca xowliga
  • Halaaqo
  • Xaaladu isbadasha
  • Miir la’aan (xaaladaha saaid ka)

Sokorow ma qabtid miyaa, lakin waxad umalaysa inad ka cabanasyo hypoglycaemia? Marka waxan kula talinayna inad so booqato dhaqtarkaaga.

Sameynta caafimaad ee muddo dheer ah

Muddada dheer, hypoglycaemia (i.e. heerka gulukooska dhiiga oo saaid usareya) waxay keeni karta dhaawac indhaha ah oo la daweyn karin, kilyaha iyo neerfaha, khatar leh camoolinimo, kılı soo dhacda, tacbaan-nimo iyo lug go’da (ku imaada sokorowga lugta oo xad kabax ah). Intaas waxaa sii dheer, khatarta cudurka wadnaha wuu kusii siyaadaa dadka sokorowga qaba. Cabashoyinkan waxay la xariiran dhaawaca unugyada kaso keena dabool la’aanta muddada dheer ee gulukooska.

Waano nafaqo

Ma jirto caddeyn taaso raashin hubaal ah ay daahin mise kahor tagi kara sokorowga nooca 1aad. Si kastay ahaataba, waa macquul in la yareeyo cabashoyinka sida khatarta cudurka wadnaha cunto qaadasho nidaamsan oo caafimaad leh.

Daawo iyo nafaqo

Afbeelding met persoon, accessoire Automatisch gegenereerde beschrijving

Dadka qaba sokorowga nooca 1aad waxay is duraan insulin iyado la isticmalaya silinge mise tubo Insulin ah oo u ogolaanaysa inay so daayan insulin oo ku xeran raashinka la cunay (boluses). Iyado la adeegsanaya gulukoos mitirka waxay cabiri karaan heerka gulukooska dhiigooda naftooda. Waxay hagaajinayan cadadka insulin ka ee cadadka karbohaydrayt ka ku yahay(istarijyo iyo sokor) raashin kasta. Haddii insulin ka laa kala qaado cadad toosan maalin walba, karbohaydrayt ka laa qaadanayo waa inu la mid noqda maalin walba xilli habysan. Jadwalka insulin ka baddalmi kara wuxuu ogaalaadaa kala duwanaansho badan ee cadadka karbohaydrayt ka la qaadanayo raashinka kasta.

Nafaqoda sokorowga nooca 1aad

Raashinka wuxuu samayn ku leyahay heerka gulukooska dhiiga. Iyo waxa uu qofka cunayo caafimadkiisa ayay sameysaa, tusaale ahaan waxa ah wadnahooda xididada dhiiga. Dadka sokorowga nooca 1aad qaba, qof walba ahan, waa u muhiim in raashin caafimaad leh la cuno.

Waanada cunto qaadashada nidaamsan ee dadka sokorowga nooca 1aad qaba waa in muhiimada siiyan inay heerka gulukooska dhiiga ay gacanta ku haayaan iyo inay si fiican u ilaaliyaan wadnaha iyo xididada dhiiga, si loo yareeyo khatarta cabashoyinka. Dhaqtarka cunto qaadashada nidaamsan ku taqasusa waa qofka saxda ah oo ku caawiya.

QR code naar deze pagina

QR Code
nl_NLDutch