Nooca 2aad ee sokorowga waa cudur dheefshiid ah. Kuwani waa cudurada sababa nidaam darrada dheefshiidka. Dadka qaba sokorowga nooca 2 maso saaraan insulin ku filan mise nah insulin ka ay soo saaraan saameyn fican ma lahan waayo iyaga xasaasi badan kuma aha insulin ka. Insulin wa hormoon oo qeeb muhiim ah ka qaato in dhiiga heerka gulukooskisa uu xakamaysan yahay. Erey kale oo gulukooska dhiiga loo yaqaano waa sokorta dhiiga.
Insulinka waxa loga bayan Yahay inu ogolaado in gulukoska unugyada gaaro. Dadka qaba sokorta gulukoos ka unugyada gulukoos yar aya gasha oo in badan dhiiga ayay ku haraan. Markaa gulukoos ka dhiiga saaid ayay u sareysaa. Kilyaha waxay gulukoos kaas qaarkood waxay ku faarujiyan kaadida.
Magaca rasmiga ah oo buuxda ee sokorowga waa diabetes mellitus. Waxa badana maqli ereyga ‘diabetes’ sokorowga kaliya. Ereygas qalad badan aya loo fahmi karaa. Sida qof sokorow qaba sokor dhan ma cuni karo.
Nooca 2aad ee sokorta mararka qaar waxa lagu magacaabaa sokorowga da’da ku xariirsan, lakin dadka dhalinyarta ah xita way ku dhici kartaa nooca sokorowgan. Marka in lagu waco sokorowga da’da keenta waa qalad.
Ka sokow sokorowga nooca 2aad, sokorowga nooca 1aad xitaa wuu ku jiraa. Iyo noocyo kala duwan sokorta oo u eg sokorowga nooca 2aad, lakin ubaahan daweyn gaar ah.
2019 kii, dadka wadanka Netherland waxay garayen in ka badan 1.1 milyan ee lagu ogaaday sokorowga. Badanaa da’ kasta, wuxuu ku dhacaa nimanka waxyar in ka badan naagaha. Dadka qabay sokorowga 90% waxay qabaan sokorowga nooca 2aad. Tirada dadka qaba sokorowga nooca 2aad si joogta ah ayay usii siyaadaysa. Waxaa kalo jira dad qaba sokorta lakin aan ogayn. Lama oga kooxdan illa iyo inta ay badan yihiin. Tani dhibaato ayay keeneysa wayo xilli danbe ayay ficil qaadaan. İyo dhibaatadu way siyaadi karta oo loga hor tagi kara daweyn waqti qaadanayo.
Markaad laqdo sokor iyo starches, jirka wuxuu u beddela gulukoos. Gulukoos wuxu ku gaaraa dhiiga. Markas waxan dhahna gulukooska dhiiga mise sokorta dhiiga. Iyado la marayo dhiiga, gulukooska wuxuu ku dhamaadaa unugyada jirka. Tani enerji ayay kusiinaysa, taaso laga maarmaan utahay neefsashada, dhaqaaqaa iyo garaaca wadnahaaga.
Unugyada waxay jiitaan gulukooska dhiiga iyago kaashanaya hormoonka insulin. Sokorowga nooca 2aad waxaa sababa in unugyada jirka oo dareen la’aan ku ah insulin ka. Tani waxaa lagu magacabaa diidmada insulin. Diidmada insulin ka wuxuu sababa in unugyada ay gulukoos kuyar soo jiitaan. Meel cayiman marka la joogo, jirkaaga wuxuu soo saaraa insulin yar oo markaa neh unugyada sokor kasii yar ayay jiidanayaan.
Sokorowga nooca 2aad wuxuu sababaa cabasho kala duwan, sida tabar darro, oon, af qalalan, dhaawacyo aan si toos ah raysanayn, neefta gaabata, kaadi is daba joog ah iyo infakshan oo badana soo noqnoqda (tusaale, cystitis). Haddii Sokorowga la daaweyo, caadiyan cabashada dhan si dag-dag ah ayuu u dhamaanaa.
Marka bilaawga ah, dadka qaba sokorowga nooca 2aad caadiyan waxyar mise calaamado la’aan ayay qabaan. Natiijo ahaan, waxay qabi karaan cudurka sanado dhan kahor intan la ogaanin. Haddii gulukooska dhiiga heerkiisa uu sareeyo muddo badan, xididada dhiiga iyo neerfaha way dhaawacmayaan. Sidaa darteed, dadka qaba sokorowga waxay u egiyihiin inay ku dhibaatoodan cudurada wadnaha. Cabashoyinka kale oo siyadi kara waa dhaawac kilida daba dheeraad ah, sokorow lugeed iyo aragga daciifa.
Qatarta uu ku imaanayo sokorowga nooca 2aad waxay ku xeran tahay qodobyo tirsan. Fursada uu ku imaanayo cudurkan waxay ku sareysa :
Iyadoo la cunaya wax caafimaad ah, dadka waxay iska yareyn karaan khatarta sokorowga nooca 2aad. Ugu horeyn, inad hesho mise ilaalshato miisaan caafimaad ah. Raashino cayiman wayna yareyaan mise nah kordhiyaan khatarta sokorowga nooca 2aad.
Cuntoyinka hoos ku taxan waxay kordhiyaan khatarta sokorowga nooca 2aad:
Cuntooyinka soo socda waxay yareyan khararta sokorowga nooca 2aad:
Cuntoyinkan soo socda way korhdiyan wayna yareyan khararta sokorowga nooca 2aad:
Dadka aan qabin sokorowga nooca 2aad waxa ka yaraaneysa khatarta cudurkan haddii ay jogteyan Mise qaataan miisaan cafimaad leh. In kiiloyin yar ka dhaco waxay leedahay saameyn bositiif ah. Waanada looga hortagi karo sokorowga nooca 2aad:
Caadiyan, daawadu waa loogu baahanyahay daaweynta, e.g. Insulin mise metformin. Daawadu iyo diet ka labadada wey isku xeran yihiin. Sida ugu fiican loo daweeyo sokorowga nooca 2ad way u kala dawan bukaanada. Sida darteed dhaqtarka iyo dhaqtarka is caateyska mar walbo way hogaaminayan.
Mararka qaar waxaad aqrinaysa in dheeradyada, tusaale, vitamin D, vitamin C, birta, chromium, maarta, curiyaha birta ah, magnesium, sanjabiil, toon mise qarfo aa uroon darka qaba sokorowga. Lakin weli waxaa ka jirta wax aan cayimanayn dhankan. Haddii ku filnaasho la’aan timado, Mise wu jirto khatar siyaaday, inad daawoyin qaadato ma lagu talinayo. Tani waxa kaloo ku jira daawawoyinka zanjabiilka, toonta iyo qarfaha.