Ondergewicht en ondervoeding Somalisch

Caato iyo nafaqo-xumo

Markad tahay caato

Caatadu waa markuu qofka miisankisu ka yar yahay inta uroon caafimaadkooda. Caatadu waa tilmaam oo nafaqo-xumada ah. Caatada waxa si fudud lagula ogaadaa Tusmada Cufka Jirka (BMI) iyo cabirka wareega dhexda. Qofka waa caato haddii uu BMI kooda uu ka hoseyo 18.5.

Xuduudaha kale

Xad kala duwan aya loo isticmaalaa dadka ka weyn 65 iyo kuwa bukaanada COPD qaba, magac ahan BMI ka yar 20 oo dadka 65 ka wayn iyo ka yar 21 oo dadka qaba COPD. Si loo xaqiijiyo nafaqo-xumo, xadka BMI oo ka yar 20 waxa lo isticmaalaa dadka weyn illa iyo 70 sano jira iyo xadka BMI oo kayar 22 oo logu tala galay 70 jir iyo kuwii kaweyn, isku darka nafaqa yarid mise cudur. Qiimoyin iska jarid ah oo kala duwan xita caruurta way sameysaa. Caruurta wey koraan sidas darted dhirirka, miisaanka iyo BMI da’da ayay ku xeran yihiin.

Immisa qof ayaa caato ah?

Xogururinta caafimaad CBS 2019 ka waxay ku tusinaysa in 2.5% dadka hollandeeska oo 4 sano jir iyo wixii ka weyn ay caato yihiin. CBS waxay u isticmaashaa xadka BMI ee 18.5 dadka waa weyn oo dhan.

Sababaha keena caatonimo

Caatada waxay ka dhacdaa markii cadadka enerjiga uu qofka ka qaato cunida iyo cabida uu ka yar yahay inta jirka isticmaalo (gubo) waqti dheer gudaheed. Caatada waxay caan ku tahay dadka waa weyn ee xarumaha daryeelka iyo isbitaalada jooga iyo kuwa xanuunsan dhaxdooda. Caatada waxaa sababi kara, kuwa kale soo socda:

  • Abataayt ka oo yaraada, e.g. la xariira dhadhan iyo uris la’aan, jirro mise aalmiito la’aan
  • Dhibaatoyin dhanka calaajinta iyo laqidda
  • mindhicir si daciif ah ushqeynaya, mindhicirka marka wuxuu awooda in nafaqo yar soo jiito, tusaale ku xariira infakshan mindhicirada mise cudurka mindhicirada
  • Saameynta dheeradka ee dawoyinka keenan
  • Cabsi, kalinimo, murugo, wal-wal
  • Cunto xumo
  • Isticmaalka enerjiga kordhay, tusaale xaalad infakshan mise kansar

Natiijoyinka caatanimada

Caatanimada waxay keenta khatar caafimaad waayo waxaa jira khatar sareeysa oo cillado nafaqo la’aan ah sida borotiinada, asidyada baruurta muhiimka ah, fitamiino iyo macdan. Difaaca jirka wuu xumaadaa qofka na wuxuu dareemi karaa hurdo-hurdo iyo daal. Jirka wuxuu isticmaalaa kaydka nudaha murqaha iyo baruurta. Tani waxay sababtaa nudayaal baruur iyo muruqa inay ja-jabaan. Qaasatan ja-jabidda nudaha muruqa waa xanuun. Haddii xaalada caatanimo sii dheerato, khatarta lafa jabka nah way sii siyaadaysaa.

Waanada cunto nidaamsan ee caatada uroon

Qof caato ah, waa caqli inu joojiyo kiilada ka dhacaysa uu bilaabo inuu qaato kiilo. Haddii wax badan kaa lumay muddo gaaban gudaheeda iyado sabab la’aan ah, waxa ugu fiican inad dhaqtarkaaga soo aragto. Sido kale, haddad iskaga shakiso cunto xumo, mar walba soo arag dhaqtarkaaga guud.

Haddadan awoodin inad gaarto kiilo caafimaad ah bilo gudaheeda, waa caqli inad so aragto dhaqtarkaaga guud. Dhaqtarka wuxuu baaraya sababta keenta caatanimada iyo kuu diri karaa taqasuse qaas iyo/mise dhaqtarka cunto qaadashada nidaamsan haddii laga maarmaan noqoto.

Caato maa tahay? Marka caymiskaaga caafimaadka wuxuu ku soo celina dhaqtarka cunto qaadashada nidaamsan saacadaha la qaadatay.

Cuntaynta caafimaadka ah

Dadka caatada ah, cuntayn caafimaad waa u muhiim. Sidaan waxay ku helayaan nafaqoyinka dhan uu jirka u baahan yahay, sida borotiino, asidyada baruurta muhiimka, fitamiino iyo macdan. Muhiimada waxay saaran tahay cunto borotiin iyo enerji ku filan leh, oo lagu daray aalmiito iyo murqo dhisid.

Kiilo loo qaato qaab caafimaad ah

Dadka caatada ah, waa inay qaataan kiilo.

Nafaqo-xumo

Nafaqo-xumada waxay dhacdaa markii qofka qaadashadiisa enerjiga mise nafaqoyinka uu kayar yahay intii looga baahan yahay caafimaad ahan muddo dheer.

Nafaqo-xumada waxay dhici karta markii qofka wax ku filan cunin mise uu isticmaalo enerji iyo nafaqoyin dheeraad ah. Dhibaatada waxay ku badan tahay kuwa jiran iyo kuwa da’da ah. Nafaqo-xumada waxa kaloo sababi kara dhibatoyinka calaajinta mise laqida lagu qabo.

Markii nafaqo-xumada la arko, dhaqtarka guud waa in la waco. Qoyska mise daryeeleyaasha iyaga ayaa ubadan inay arkaan dhibaatada caafimaad intuusan bukaanku isku arkin.

Calaamadaha nafaqo-xumada

Nafaqo-xumada waa enerji mise nafaqo la’aan. Tani kadib waxay gaarsiisa kiilo hooseesa iyo shaqeynta jirka xumaata. Tani inta badan waxay ku xeran tahay naaqus cufka murqaha iyo borotiino gaaban, asidyada baruurta muhiim ka, fitamiino iyo macdan.

Kooxaha ugu weyn ee khatarta nafaqo-xumada ku sugan waa dadka waa weyn oo daciifka ah, xanuunka daba dheeradka ah, dadka kansarka qaba, dadka qalliin weyn galaya iyo dadka trauma daran qaba.

Sababaha nafaqo-xumada:

  • raashin qaadashada oo yaraada abataayt la’aan mise lalabbo awgood.
  • dhibaato dhanka calaajinta, dhadhanka, laqida mise dheefshiidka cuntada ah.
  • dhibaatoyin cilmu nafsiyeed, sida wal wal, niyad-jab, murugo.
  • qofka wax cunid dhan kama qaban karto. Hal natiijo waa raashinka oo layska dhaafa wax yar yar cunto laga dhigta.
  • Qodobyada bulshadeed, sida kalinimo, macquul la’aan inay so gataan mise karsadaan raashin.
  • waalida
  • Balwad.

Qodobka qatarta ugu weyn ee nafaqo-xumada waa cudur. Jirro xita way kordhin kartaa baahida nafaqoyinka oo illa ay cunto qaadasho nidaamsan xita ku filnayn.

Nafaqo-xumada dadka duqoshinka

Dadka duqooshinka khatar sareysa nafaqo-xumada ah ayay leeyihiin waayo badana way jiran yihiin oona aalmiito yar yihiin. Waxaa dheerad ah, duqooshinka waxay u baahan yihiin enerji Ka yar markay dhalinyarada ahayen, taasoo sii adkeyn karta in la qaato nafaqoyinka dhan cunto qaadashada nidaamsan ah.

Ogaanshaha nafaqo-xumada

Tallaabada ugu horeysa waa in xaqiijiyo hadii qofka ku siyaaday khatarta nafaqo-xumada. Tani waxaa lagu xaqiijiya qalab shaashad ah. Qalabyadan waxay fiiriyan kiilo sabab la’aanta ku dhacda, caatada iyo abataaytka luma.

Haddii, iyado shaashada ku saleysan, qofka uu yahay khatar sareysa ee nafaqo-xumo, waxaa la xaqiijiyay in qofka uu nafaqo xun yahay. Tani is-afgarad ayaa loo qoray sanadki 2018. Qofka wuu nafaqo xun yahay haddii ay la kulmaan ugu yaraan hal cabir ee astaamoyinka iyo sababaha hoos ku safan.

Hal mise in ka badan oo astaamoyinkan inay muuqdan waye:

  • Kiilada ula kac ahayn ku dhacda :5% mise in ka badan kiilo ula kac ahayn ku dhacda ee 6 da bil kasoo dhaafay mise 10% mise in ka badan 6 da bilood lasoo dhaafay.
  • BMI hoseeya
  • Cufka muruqa oo yaraada

Hal mise in ka badan oo sababahan inay muuqdan waye:

  • Nafaqo yarid :1 isbuuc oo la cunaya in ka badan 50% in ka yar enerjiga looga baahan yahay mise in ka badan 2 isbuuc oo qaadasho yar mise soo jiidasho mise cillada cudurka caloosha mindhicirka oo si xun ah saameynaya qaadashada mise soo jiidasho
  • Cudur mise barar: cudur daran mise trauma mise cudur daba dheeraad-ku xedhan bararka.

Haddii qofka uu nafaqo-xun yahay oo ku xeran tahay astaamaha kore, nafaqo-xun ta darnaanshaheeda markas waa la xaqiijinaa. Dadka caafimaadka qaba mise cayilan xita way nafaqo xumaan karaan. Nafaqo badan oo ku lunta matagga mise shubanka waxay qaabka nafaqada ku sababi karaan xumaansho dag dag ah, qaasatan haddii ay jirto enerji siyaada 3hjun2klllk xanuun oo diyaadammmmkm4jmmkhhhoo ku xedhan jirro mise qandho.

Caruurta

Caruurta marka loo fiiriyo, qiimoyin iska jarid kala duwan wey sameyneysa. Dhaqtarka wuxuu isticmaalaa qaloocyada korida si uu u xaqiijiyo nafaqo-xumada canuga haysata.

Saameynada nafaqo-xumada

Nafaqo-xumada saameyn weyn ayay ku leedahay caafimaadka. Natiijoyinka waxay isugu jiraan ;

  • ka fiicnaansho tartiib ah ee qallinka mise jirrada
  • cabashoyin saaid u daran qallinka kadib
  • fiicnanshaha dhaawaca oo soo daaha
  • Khatarta cudurka dhaawaca jiifka (nabarada cadaadiska ah)
  • habka difaaca jirka oo toosnayn
  • cufka murqaha jirka yaraada
  • awooda wadnaha iyo sanbabka oo yaraada
  • tayada nolosha oo hooseesa
  • khatarta dhimashada oo siyaada

Aqoonsashada nafaqo-xumada

Waa muhiim saaid in Isla markii la waco dhaqtarka guud markii layska shakiyo nafaqo-xumo. Tani badana waxa sameya qoyska qofka, dadka yaqaana qofka mise daryeelayasha (kuwa u dhaw) kahor bukaanka naftiisa.

Waano nafaqo

Daaweynta nafaqo-xumada gudaheeda, muhiimada waxa la saaraa borotiin iyo enerji qaadasho ku filan. Lagu sii daraya, aalmiito waa qeyb muhiim u ah daawada si loo ilaaliyo cufka muruqa.

Su’aalo nafaqo-xumo ku saabsan ma jiraan? Marka caymiska caafimaadka wuxuu ku soo celina dhaqtarka cunto qaadashada nidaamsan saacadaha la qaadatay.

Iyado lagu tiirsan yahay nafaqo-xumada saaid keeda, dhaqtar iyo/mise dhaqtarka cunta qaadashada nidmasan wuxuu go’aansan karaa cunto qaadasho enerji iyo borotiin ku badan yahay, laga yaaba in lagu dhameestiro fitamiin iyo macdan dhameestirayal, cunto cabid dheeraad ah mise cabid dhameestiran mise quudin tubada ah.

QR code naar deze pagina

QR Code
nl_NLDutch