Cudurka kala-goysyada
Cudurka kala-goysyada waa xaalad ku sababa kala-goysyada adkaansho iyo xanuun. Jilbahaaga, sintaada iyo kala-goysyada yar-yar ee gacanta ayuu badana saameyn ku yeeshaa. Waa qaabka ugu badan ee lagu aqoonsado romatiisam ka.
Ku saabsan cudurka kala-goysyada
Xaaladu waxay u egtahay inay sii siyaadayso markuu kala-goysyadaada jug gaadho. Inkastoo ay kala-goysyadaada isku dayanan inay sidii hore kusoo laabtaan, isbeddel ayaa ka dhici kara kala-goysyadaada gudihiisa. Kadib isbeddelyadaas waxay gaari karaan xanuun iyo adkaansho dhanka kala-goysyada ah.
Cudurka kala-goysyada wuxuu leyahay laba nooc oo kala duwan.
- Cudurka kala-goysyada kowad, malahan cudur mise xanuun oo loo aqoonsanyahay inuu hoos imaado. Waxay u egtahay inuu si tartiib tartiib ah u yimaado iyo dadka da’da ah saameeyo .
- Cudurka kala-goysyada labaad wuxuu saameyn ku yeeshaa dhaawac hore mise xaalad kale oo caafimaad. Waxay u nadan tahay inuu saameyn ku yeesho dadka dhalin-yarta ah.
Cudurka kala-goysyada dadku si kala duwan ayuu u saameyn karaa iyo lafaha midba midka kale si ka duwan ayuu u saameyn karaa. Mararka qaar muddo kadib wuu kasii dari karaa, lakin sida caadiga ah arrinku sidaas maahan. Sanado dhan inuu is beddelin ayaa laga yaabaa, mise nah xanuunka iyo adkaanshaha kala-goysyada wuu siyaadi karaa.
Sababaha keena cudurka kala-goysyada
Si toos ah uma caddo waxyaabaha keeni kara inuu qofku ku dhaco cudurka kala-goysyada. Waxaa loo malaynaa in dhawr waxyaalood oo kala duwan sababa. Sikastaba ha ahatee waxaa jira qodobyo la hubo oo loo aqoonsan yahay inay kordhin karaan khatartaada uu cudurka kugu siyaado. Waxay u badan tahay in cudurka kala-goysyada kugu kordho haddii:
- Aad ka weyn tahay 45 – khatartu way sii kordhaysaa inta aad kasii weynaaneysid
- Aad tahay dumar – inkastoo nimankaba ay saameyso, dumarka ayay ku badan tahay
- Aad saaid u cayilan tahay – culayska saaid ka ah kala-goysyada ayuu cadaadis dheeraad ah saaraa, iyo kiimikooyin oo unugyadda caddiinta soo daayaan ayaa ku xiriirsan cudurka kala-goysyada
- Aad leedahay dhaxaltooyo oo cudurka kala-goysyada ah
- Mar hore uu kala-goysyada dhaawac ku gaadhay
- Aad leedahay (mise lahaan jirtay) shaqo oo ku badan tahay howsha xooga ubaahan, mise hibo oo ku jidha cadaadis kala-goysyada ah sida ciyaarta kubadda cagta
- Aad leedahay xaalad kale oo saameyneysa dhaq-dhaqaaqa mise toosnaanshaha kala-goys kaaga – taas waxay u dhigmataa inaad adiga cadaadis badan saartay
Calaamadaha uu leyahay cudurka kala-goysyada
Calaamadaha ugu muhiimsan ee cudurka kala-goysyada waa xanuun iyo adkaansho dhanka kala-goysyada jiran. Waxaa laga yaabaa inad isku aragto inaadan isticmaali karin kala-goysyka mise nah aadan udhaqaaqi karin sidii hore oo kale. Mararka qaar waa uu faafi karaa, mise nah waxaad ka dareemi karta xanuunka jirkaaga meel ka duwan kala-goysyka saameynta gaartay. Tusaale ahaan, haddii aad cudurka kala-goysyada ka qabto dhanka sinta, waxaa laga inad xanuunka la dareento xajarka, boodyaha, jilibka mise anqawga.
Sida caadiga ah waxaad xanuun dareemeysa keliya markaad kala-goysyada isticmaasho, iyo markaad nasato waxaad dareemeysa nafis, lakin haddii cudurkaagu uu darán yahay, markaad nasanayso xitaa xanuun ayaad dareemeysaa. Subixi isla markaa soo kacdo waxad ka dareemi karta kala-goysyada adkaansho, mise markaad nasato, lakin sida caadiga ah si dhaqso ah ayuu kaaga yaraanaa.
Mararka qaar waxad isku arki kartaa barar kala-goyska saameynta gaartay akteeda ah, iyo murgacasho iyo burburis dareemysid mise jucis oo kala-goysyada markaad is dhaqaajiso isku aragto.
Calaamadahaan mararka qaar waxay hoos imaan karaan dhibaatooyin kale, lakin haddii aad isku aragto kuwa kamid ah, la xariir dhaqtarkaaga daweyn ta lafaha si aad ula tashato.
Is-caawin naftaada
Dhaqtarkaaga daweynta lafaha wuxuu kaala hadli waxyaabo badan aad saameyn karto si uu kaaga yaraado xanuunka iyo adkaanshaha kala-goysyadaada, iyo maalinba maalinta kale nolosha kuu sii fududaan. Kuwa ugu muhiimsan waa kmid ah kuwan soo socda.
- Jimici oo si joogta ah waxay kugu caawin karaan inu isbeddel ku dhaco calaamadahaaga iyo inu murqaha jirka xooggooda siyaado. Qodobka hoose ka fiiri faah-faahin dheerad ah jimicsiga kala-goysyada ku saabsan.
- Haddii aad saaid u cayilan tahay mise cudurka cayilka qabto, xoogga waxad saarta inad miisaankaaga yareeso adigoo cunaya raashin caafimaad leh iyo xarakaadkaaga aad badiso. Xitaa wax yar haddii ay kaa dhacdo kiiladaada waxay fududeyneysa in cadaadiska kala-goysyada yaraado, oo calaamadahaaga isbeddel ku yimaado.
- Haddii aad ka qabto cudurka lafaha dhanka jilibka, kabo leh dhumuc weyn, jilicsan, suuf gudaha ku leh inad xerato mise aad isticmaasho suufka kabaha loogu tala galay waxay yareyn karta luga-jareynta.
- Isku day inaad isticmaasho suuf kulayl ah mise bac baraf ka buuxa si xanuunka uu kaaga yareeyo. Kuwan so sheegnay si toos ah maqaarkaaga ha u saarin waayo dhaawac ayay gaarsiin karaan mise way ku gubi karaan. Marka hore shukumaan ku duu-duub.
Jimicsi iyo cudurka kala-goysyada
Jimicsiga la joogteeyo, inta aad awoodo, waa waxyaabaha ugu faaiidada nadan aad sameyn karto. Jimicsiga waxay kugu caawin kartaa in kala-goysyadaada uu si fiican ushqeeyo iyo in xanuunka kaa yaraado. Waxay kalo kugu cawin doontaa in murqahaaga awoodiisa dhismato iyo in jirdhiskaaga siyaado, iyo waxay kugu caawin karta in fiicnaansho aad dareento.
Mararka qaar, dhaqtarkaaga daweynta lafaha waxa laga yaabaa inu kusoo jeediyo barnaamij jimci oo habaysan oo aad kuu biiri karto. Mararka kale, waxaa laga yaabaa inay keliya kugu waaniyan waxyaabaha aad baroweyn karto. Muhiimadda waxay tahay inad hesho waxad ku heesato aadna ku raaxaysan karto.
Muhiimadda waxad saartaa in ad sameyso noocyo jimicsi kala duwan, sida kuwan soo socda.
- Jimcsiyadda xoogga ah – si uu kugu caawiyo in murqahaaga xoogsadaan iyo inu caawiyo kala-goysyadaada.
- Jimicsiyadda neefta, taasoo siyaaddisa garaaca wadnaha iyo waxyar oo neefta kaasoo fuqda. Tani waxay u fiican tahay caafimaadka oo idil iyo jir-dhismeedka, iyo inay kugu caawiso inu culeys ka dhaco mise nah kiilaadaada toosnaato. Waxaa laga yaabaa inay kuu fiican tahay jimicsiga neefta ay saameyntiisu yar tahay oo cadaadis badan saaraynin kala-goysyadaada.
Tusaale ahaan dabaasha, baaskiilka mise socodka.
- Jimicsiyadda dabacsanaanta/iskala bixinta – si ay kuu caawiso in dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee kala-goysyadaada uu ilaaliyo.
Habeeso inta jimicsi aad sameeso sida caadiga ah. Waxaa laga yaaba inad u baahato inad lakulanto dhaqtarka daweynta lafaha, kaasoo kugu caawin kara inuu kuu sameeyo barnaamij jimcsi kuu gaar ah oo adiga kuu shaqeeya.
Daawayn oo cudurka kala-goysyada.
Sidoo kale is-caawinta naftaada kor kusoo kooban, waxaa kaloo jirta daawayna kale oo lagu maareeyo cudurka kala-goysyada kaasoo dhaqtarkaaga lafaha uu
Daawaynno ku saacida
Dhaqtarkaaga daweynta lafaha wauxuu kuu diri karaa dhaqtaro kale, oo ku siin kara waano dadaal leh iyo kuusoo soo jeedin kara caawinaad kala duwan iyo qalabyo oo ku caawin kara. Waxaa ka mid noqon kara kuwan soo socda.
- Dhaqtarka lafaha wuxuu kugu caawin karaa jimicsiga noocyadda ugu fiican ee la sameeyo si uu u joogteeyo dhaq-dhaqaaqa iyo awwodda murqaha ee kala-goysyada saameysan. Sidoo kale qiimeyn karaan in biraha ilkaha, kabka iyo caawinaadyadda jirka ay wax tari karaan.
- Dhaqtarka lafaha ku shaqa leh wuxuu ku siin karaa habab dadaal ubaahan si ay kuugu caawiso in aad maamulato hawlaha maalinlaha ah. Tani waxaa kamid noqon karta in lagugu waaniyo isbeddel ka aad ku sameyn karto baabuurkaaga, guriga iyo meesha shaqada ba si aad iga nafisto cadaadiska kala-goysyadaada.
- Dhaqtarka lugaha wuxuu kugu waanin karaa dhanka kabaha ugu fiican ee la isticmaalo, iyo haddii suufka kabuhu leyahay wax kuu tarayaan.
Ku fikir inay ku caawin karto inad qol uun aad ka hagaajiso gurigaaga mise la qabsiyo cusub aad sameyso. Tusaale ahaan, haddii aad ka qabto kala-goysyada xanuun dhanka sinta mise jilbaha, waxaa laga yaabaa inad keensato musqusha biraha jaranjarta lagu cugsado mise biraha la qabsado. Tuunjiga fadhiga ee musqulaha iyo sido kale kursiga looxa/fadhiga ee musqusha qaweeska la dhigto way ku caawin karaan. Haddii cudurka saameyntiisu gacmahaaga ku leyahay, waxaa laga yaabaa in qalabyo iyo caawinaadyo, sida qalabka tuba wareejiya, gacan loogu talagalay maacuunta jikada iyo qalabka gasacyadda fura ku caawiyaan.
Dhaqtarka daweynta lafaha caawinaad dheeraad ah wuu ku siin karaa. Waxaa laga yaabaa inad u qalmato caawinaad ah gar-gaarka qiimihiisa mise la qabsiyadda cusub aad guriga uga baahan tahay. La xariir maamulka deegaankaaga si aad uhesho qiimayn bilaash ah.
Haddii aad shaqeyso weydii qofka madaxda kuu ah in ay leeyihiin waaxda caafimaadka shaqaalaha. Waxay awoodi karaan inay kugu caawiyan hagaajinta habka shaqadaada, mise deegaanka shaqadaada inay ku caawiyaan.