Frozen shoulder Somalisch

Garabka barafaysan

Afbeelding met persoon Automatisch gegenereerde beschrijving

Garabka barafaysan waa xaalad uu garabkaagu noqdo xanuun said ah oo qallafsan. Lama hubo sababa keenta arrinkan. Daawayn, oo ay kamid tahay xanuun baabi’iye iyo aalmiitooyin, waxay kugu caawin karaan in calaamadaha kaa yaraado.

Ku saabsan garabka barafaysan

Garabkaaga kala-goyskiisa waxaa loo yaqaanaa kala-goyska kubadda iyo godadka. Kubadda ku taal lafta gacanta qeebta kore(xumerus) wuxuu u dhaqaaqaa laabmatada gacanta ee cirifka garabka(scapula). Kala-goyska oo idil waxaa ku lifaaqan kaabsal awood iyo xoog leh. Garabka barafaysan wuxuu imaadaa markuu kaabsalkaas noqdo adeeg, iyo ku dhaganaansho inka badan inta loogu tala galay. Xaaladaan oo kale, garabka barafaysan caafimaadka waxaa kaloo lo yaqaanaa ‘kaabsulitis xabag’. Garabka barafasyan hal garab nah wuu kaaga dhici kara a mise labadaba.

100 kii qof ba 5 qof ayuu ku dhacaa garabka barafaysan nolooshooda mar uun. Wuu kuu fudud yahay garabka barafaysan inuu kugu dhaco haddii da’daadu udhaxayso 40 illa 60, sidoo kale dumarka ayuu ku badan yahay. Dadka xaalado caafimaad qaba way ugu sii fududyihiin inu garabka barafaysan ku dhaco – si ad u hesho faahfaahin dheeraad ah, soo fiiri qeebteena sababaha ka hadlaysa.

Sababaha keena garabka barafaysan

Dhaqaatiirtu weli ma oga waxa si toos ah u sababa inuu imaado garabka barafaysan. Waxaa loo malayna inuu sababi karo caabuqa kala-goyska garabkaaga iyo kaabsalka ku hareeraysan.

Muhiimada kowaad (idiopathic) ee garabka barafaysan

Mararka qaar waxaa muuqata inaysan jirin wax sabab ah inuu qofka ku dhaco garabka barafaysan. Tani waxaa loo yaqaanaa muhiimada kowaad (mise idiopathic) ee garabka barafaysan.

Muhiimada labaad ee garabka barafaysan

Muhiimada labaad ee garabka barafaysan waa markuu jiro dhaawac hore ee garabka gaaray mise nah aad qabto xaalad caafimaad taasoo sababi karta garabka barafaysan.

Garabka barafaysan wuu kugu dhici karaa haddii aad qabto dhaawac garabka ah, sida dhaawac ku dhaca Rotator cuff ka (jidhka iyo murqaha garabkaaga). Mise wuxuu dhici karaa haddii garabkaaga muddo badan ku cugsanaato.

Tusaale ahaan, tani waxaa laga yaabaa inay laga maarmaan noqoto kadib jab mise qaliin garabkaaga la qalay. Inkastoo dhaqaatiirtu aysan hubin sababta, xaalado caafimaad qaarkooda way kuu sababi karaan inu kugu dhaco garabka barafaysan. Kuwaas waxa kamid ah:

  • Sokorow
  • Quun xad dhaaf ah
  • Quun dhaqdhaqaaq la’aan ah
  • Cudurka wadnaha

Calaamadaha garabka barafaysan.

Waxaa jirta laba calaamado ee garabka barafaysan.

  • Caajis mise xanuun oo garabka saameysan ah, kaasoo habeenkii ay ugu xanuun badan tahay mise nah markaad dhaqaajiso kala-goyska garabkaaga.
  • Qallafsanaan oo kala-goyska garabka hareerahiisa ah taasoo kaa joojin karta inad caadiyan u dhaqdhaqaajiso garabkaaga. Tani waxay kugu sii adkeyn kartaa in howlahaaga maalinlaha aad sameysato sida baabuur wadidda mise inad dhar gishato naftaada.

Haddii aad mid uun calaamadahaas ka qabto, soo arag dhaqtarka lafaha si uu kula taliyo.

Garabka barafaysan caadiyan marxalado kala duwan ayuu ku yimaadaa, taasoo is dabajoog noqon kara.

  • Marxaladda xanuun saaid mise ‘qarqayoon’. Si tartiib ah waxaa kugu siyaadi xanuun oo kasii dara markaad is-dhaqaajiso, iyo garabkaaga oo qallafsama. Marxaladdan laba iyo ilaa iyo sagaal bilood ayay socon karta.
  • Marxaladda qallafsanaan mise ‘barafaysan’. Xanuun ku wuu yaraan karaa, lakin dhaqaajinta garbahaaga wey sii adkaan kartaa, iyadoo ku saameyneysa hawlahaaga maalinlaha ah. Marxaladdan sanad dhan ayay socon kartaa.
  • Marxaladda xallinta mise ‘dhalaalinta’. Qallafsanaanta way xalismi si tartiib ah oo dadka badanaa way ka wada fiicnaadaan. Tani waxay socon kartaa illa iyo seddex sano.

Taqasuse yaasha qaar waxay umalaynayaan in habkaan ay si fiican uga hadlin dadka garabka barafaysan qaba qibradahooda. Haddii ay kula tahay inaad qabto garabka barafaysan, inaad caawinaad caafimaad qaadato ayaa ugu fiican intaad iska sugi lahayd inuu keligiisa iska reysto.

Ogaanshaha garabka barafaysan

Hadday kula tahay inaad qabto garabka barafaysan, dhaqtarkaaga cudurada guud mise dhaqtarka lafaha soo booqo. Calaamadahaaga ayay ka wareesanaayaan iyo xaalad caafimaad mise dhaawac aad horey usoo martay kuwaasoo kuu keeni kara garabka barafaysan.

Sidoo kale waxay ka wareesanayaan sida calaamadaha ay noloshaada maalinlaha saameyn ku yeelato.

Dhaqtarkaaga lafaha wuxuu baari doonaa garabkaaga si uu u arko inu ku danqanayo. Waxay qiimeynayan garabkaaga iyagoo kaa qaadaya tijaaboyin jireed ah si ay u ogaadaan inay tahay garabka barafaysan mise xaalad kale. Kuwani waxaa kamid noqon kara inay kuu dhaq-dhaqaajiyan gacantaada si tartiib ah (‘dhaq-dhaqaaqa dadban’), iyo inad adiga u dhaqaajiso meelo kala duwan. Tani waxay u ogolaanaysa inay arkaan haddii dhaq-dhaqaaqa kala duwan ee garabkaaga uu yaraaday. Usheeg dhaqtarkaaga lafaha haddii ay dhib kugu tahay.

Garabka barafaysan waxay u egtahay inay badanaa saameyn ku yeelato dhaq-dhaqaaqa garabka taasoo loo yaqaano ‘wareegida dibadda dadban’. Dhaq-dhaqaaqan oo ogaanshaha garabka barafaysan ah muuqaalkan ayaa lagu muujiyay.

Inkastoo raajada garabka aan lagu xaqiijin karin garabka barafaysan, dhaqtarkaaga lafaha wuxuu kusoo jeedin karaan inad sameyso waayo xaalado kale ayay soo saari kartaa. Haddii ay daaweyn aan ku caawinayn kuu socoto, waxaad ubaahan kartaa tijaaboyin dheeraad ah sida MRI mise CT iskan oo garabka ah.

Daaweynta garabka barafaysan

Garabka barafaysan marka qaar keligiisa wuu fiicnan karaa, lakin ogsoonow inay sanado kugu qaadan karto inad si buuxda ah u reysato.

Ujeedoyinka daaweynta waa in la yareeyo xanuunkaga iyo in la siyadiyo dhaq-dhaqaaqa garabkaaga. Inaad ciyow daaweyn hesho waxay ku siin kartaa natiijada ugu fiican.

Is-caawin naftaada

Haddii ay kula tahay inad qabto garabka barafaysan, waa inad soo aragta dhaqtarkaaga lafaha. Lakin waxaa kalo jira waxyabo badan aad naftaada ku caawin karto.

  • Haddii aad ubaahan tahay xanuun dejiye, qaado xanuun baabi’iyaha rasiit la’aanta la gado sida paracetamol mise ibuprofen. Mar walba aqri macluumaadka bukaanka oo dawada ku qoran tahay haddii aad su’aalo qabto nah, weydii farmashiistahaga.
  • Markaad jiifanayso mise markaad fadhido barkin ku caawi gacantaada. Barkin aad gishato duudkaaga markada fadhido waxay toosin karta qaab jirkaaga, taaso ku caawin karta.
  • Waa muhiim inaad isticmaasho gacantaada intuu xanuunka kuu ogolyahay. Xoogga saar dheelitirnaansho u dhaxaysa nashada iyo firfircoonida. Tani waxay saameyn karta howlahaaga maalinlaha qaarkood.
  • Ku dhaqan talo kasto uu dhaqtarkaaga lafaha ku siiyo oo ku saabsan dhaqaajinta garabkaaga, oo ku jirta aalmiiito kasta oo lagu siiya. Daawo muuqaalkeena ee qeybta aalmiitoyinka si aad u hesho talooyin.

Daawaynta lafaha

Daawaynta lafaha waa daawayn muhiim u ah garabka barafaysan. Dhaktarkaaga guud wuxuu kuu diri karaa dhaqtarka lafaha mise si toos ah ballan ayad ula yeelan kartaa. Daaweynta lafaha waxaa ku jiri kara daawayno badan oo kala duwan. Laba daawayn inta ugu badan la isticmaalo inta aya lagu soo qeexay.

  • Aalmiitoyin. Dhaqtarkaaga daweynta lafaha wuxuu ku tusinaa almiitoyin aad guriga ku sameeso si aad u horumariso shaqeynta iyo dhaq-dhaqaaqa garabkaaga barafaysan. Tani waxaa ka mid noqon karta sida kuwa qaar oo muuqaalkena qeebta aalmiitada lagu tusiyay ee garabka barafaysan.
  • Daawaynta lafaha oo gacanta ah(abaabulka). Tani waa markuu dhaqtarkaaga lafaha uu kala-goyska garabka u dhaqaajiyo meelo kala duwan si uu u caawiyo in xanuun kasta mise qallafsanaanta kaa dagto. Waxay kaloo kugu caawin karta in dhaqdhaqaaqa caadiga ah soo celiyo.

Kahor tagidda garabka barafaysan

Si aad uga hor tagto muhiimadda labaad ee garabka barafaysan, waxaa muhiim ah in garabkaaga xarakaad yeesho intii macquul ah. Haddaad dhawacdo garabkaaga, mise garab xanuun kuu siyaado kaasoo xaddidaysa dhaq-dhaqaayadaada, daawayn raadso xilliga ugu dhaw ee aad awoodo. Haddii aad jug ka qabto mise qalliin aad ka gashay garabka, dhageyso waanada uu dhaqtarkaaga mise dhaqtarka lafaha ku siiyo oo ku saabsan inaad xerato suunka gacanta logu tala halay iyo inaad bilawdo dhaqaajinta garabka mar kale si aamin ah.

QR code naar deze pagina

QR Code
nl_NLDutch