Fysiotherapie na een beroerte Somalisch

Ka fiicnanshaha iyo tababarka loo maro istarooga

Afbeelding met persoon, muur, binnen, shirt Automatisch gegenereerde beschrijving

Ka fiicnanshaha iyo tababarka loo maro istarooga muddo ayay qaadan kartaa, weliba way adkaan karta inuu mar walba qofka dhiiri-galin haysto. Kuwani waa talooyin caawin kara:

  • Isku day inaad si bositiif ah u fikirto iyo waxad xoogga saartaa waxa aad rabto inad hesho.
  • Qorsheeso hadaf aad gaari karto kaasoo qiimo kuu leh waxayna kugu caawinaysa inad dhiiri galin yeelato.
  • Asxaab mise qoyskaaga qof la wadaag waxay aad isku dayayso inaad sameyso. Waxay kugu caawin karaan inay ku taageeraan.
  • Isku day inaad sameeyso jimicsi maalinlaha aad u baahan tahay.
  • Xog ururin ku sameey horumarka aad sameeyneyso.

Dhibaatooyinka istarooga

Istaroog-yada qaar way fududaan karaan oo ciyaw ayad ka fiicnaan. Kuwa kale way ka darnaan karaan oo dhiibaatooyin kala duwan oo joogta ah ayay sababi karaan. Dadka qaar istaroog kama bad-baadi karaan.

Dhibaatooyinka muddada dheer waxaa ka mid noqon kara :

  • Dhibaatooyin jireedka – tusaale ahaan, hal dhinac oo jirka daciifnimo ku yimaada, isku duuwanaanshaha mise dheelitirnaanshaha oo adkaado, iyo qallafsanaan, murqo adag
  • Dhibaabtooyin dareenka ah oo is beddela sida taabashada aad u dareemeyso, heerkulka iyo xanuunka
  • Wax laqida oo ku dhiba, kaasoo wax cunidda iyo cabidda adkeyn karta
  • Dareen daal ah iyo dhibaatoyin jiifashada kaa haysta
  • Dhibaatoyin la xariirinta ka haysta sida hadalka oo ku dhiba, aqriska iyo qoraalka
  • Dhibaatoyin aragtidaada kaa haysta – tusaale ahaan, waxad qabi karta arag laba jibaar ah, arag shucaac ah mise aragtidu dhib ayay kugu noqon kartaa
  • Dhibaatooyin waxgarashada ah – oo micnaheedu yahay dhibaato dhanka fikir ka kaa haysta, xasuus iyo xoog saarid
  • Saxarada iyo kaadi-haysta kontroolkeeda oo kugu adkaato(cesho la’aan iyo calool fadhi)
  • Dhibaato dhanka shucuurta ah – tusaale ahaan, dadka kuu dhaw waxay kaa dareemi karaan dabeecadaada isbeddelka ku dhaca mise waxaad dareemi kartaa walaac mise niyad jab
  • Dhibaatooyinka galmada oo laxariira jir iyo shucuurba waxay saameysa istarooga

Dhibaatooyinkan waxay kugu adkeyn karaan howshaada caadiga ee maalinlaha ah inad wadato kadib markuu kugu dhaco istarooga. Naftaada inaad wax u qabsato way kugu adkaan kartaa iyo inad si xur ah u noolaato.

Ka bogsashada istarooga

Istaarooga oo kugu dhaca waxay ku gaarsiin kartaa dhibaatooyin tiro badan. Waxaad u baahan kartaa waxyaabaha qaar sida loo sameyo inaad mar kale barato mise aad badalato sida aad u sameeyneyso. Tani waxaa loo yaqaana tababarka istarooga. Hadaad hesho caawinaad sax ah iyo taagerid, waxad bilaabi karta inaad noloshaada ku raaxeysato mar kale iyo waxaa laga yaabaa inaad hesho xuriyad yar. Dhaqaatiirtu iyo kal-kaaliyayaashu oo isbitaalka kugu ilaalinaya ayaa ku qiimeynaya intaadan bixin waxayna kuu diyarinayaan qorsho tababar ah. Waxad yeelan doonta ballamo si lagula socdo wax qabadkaaga. Waxaad la kulmi kartaa dhaqtaro kala duwan, oo ay ka mid yihiin:

  • Dhaqtarada lafaha si ay kugu cawiyaan in murqahaaga uu awood yeesho iyo inu siyaado dhaq-dhaqaaqaaga, dheelitirnaanshahaaga iyo isku duuwanaanshahaaga
  • Dhaqtarada daaweeyaha ku taqasusa kuwaasoo kugu caawin kara inad mar kale barato xirfadaha maalinlaha ah sida dhar xerashada iyo daryeelka naftaada
  • Daaweeyaha hadalka iyo luqada si uu kugu caawiyo haddii hadalka mise wax laqida ku dhibayso
  • Cunto yaqaane sii uu hubiyo inaad heli karto nafaqooyinka dhan aad u baahan tahay
  • La taliye oo kugu caawin kara inu ku siiyo tageerid shucuureed

Ka hortagga istarooga

Waxaa jira isbeddel qaab-nololeedka oo fara badan aad saameyn karto si ay kaaga yaraato khatartaada uu kuugu dhici karo istaroog. Haddii aadba horey u qabtay istaroog, mid kale inuu kugu dhaco khatarteeda ayay kaa yareeneysa. Isbeddelyada waxay isugu jiraan sidan soo socda.

  • Inaad xarakada badiso , iyo inad yareeso waqtiga aad fadhiisato.
  • Haddii aad sigaar cabto, jooji sigaarka.
  • Inaad hubiso inaad ku dhaqmeyso cunto qaadasho nidaamsan oo caafimaad leh, oo ugu yaraan shan qayb miro iyo khudaar leh maalin walba. Si loo yareeyo inta dufan dheregsan iyo cusbada aad leedahay.
  • Ilaalinta culeys caafimaad ah , iyo kiilo badan inay kaa dhacdo haddii aad u baahato.
  • Haddii aad cabto qamri, inaad hubiso in xadka lagu la taliyay aad ke ekaato.

QR code naar deze pagina

QR Code
nl_NLDutch