033 - 2003259
Waa macquul inu wada dhaco dhabar xanuunka kore mise qeebta dhexe, sido kale qeebta hoose. Tani waxaa loo yaqaana dhabar xanuun ka thoracic. Way ka yar tahay dhabar xanuunka hoose, lakin waa caan. Waxaa xanuun kaa hayn karaa inta u dhaxeysa dhabarkaga iyo meel kale mise qoortaada iyo dhaxdaada inta udhaxaysa.
Waxay kugu caawin karta inad wax kasii ogaato sida uu dhabarkaaga u dhisan yahay. Dhabarkaaga waxaa ku xariirsan qeebo badan oo isugu jira lafaha, kala-goysyada, murqaha, xermooyinka, neerfaha iyo seedaha. Laf-dhabartaada wuxuu tageeraa dhabarkaaga. Waxay ka sameyaan tahay 24 lafo oo kala soocan oo la dhaho vertabrea (araxda) taasoo midba midka kale dulsaaran. Kuwan hoostooda waxaa ah qaska(sacrum) iyo xubinta taranka (coccyx) lafahooda, kuwaso ah laf-dhabarta hoosteeda. Araxda dhaxdeeda waxaa ah saxano oo sida shoog nuuge udhaqma una ogolaada in laf-dhabarta ay laabmato. Xudunta laf-dhabarta araxda ayay martaa. Waxay qaadaa calaamada neerfa ah oo u dhaxeeya maskaxdaada iyo jirka intiisa kale. Xudunta laf-dhabarta waxay ku dhamaataa dhabarka hoose iyadoo neerfayaal kooban ah. Tani waxa lo yaqaana cauda equina(Latin ahan ‘dibka faraska’, kasoo loo ekeysiiyay).
Waxaa jira sababa badan oo macquul ah ee xanuunka dhabarka kore. Mararka qaar waxaad isku arki karta xanuun aan sababteeda la ogayn. Dhabar xanuunka sabab cad mise la yaqaano an lahayn waxa lo yaqana dhabar xanuunka aan caddayn. Tani waxaa caadiyan sababta xanaajin murqaha dhaxdiisa ah iyo unugyo jilicsan dhabarkaaga dhaxdiisa ah. Dhabar xanuunka kore badana waxa sababta joogsi xumo muddo badan la sameya. Joogsiga fiican waa, inaad si dheer ah utaagnaato iyo si toos ah adigo garbahaga gadaal oo hoos udhigaya. Madaxaaga toosi – isku day inaadan wareejinin. Dhagahaaga, garbahaga, sintaada iyo cagahaaga waa inay hal saf kuu ahaadaan.
Sababaha kale ee dhabar xanuunka kore waxay isugu jiran:
Dahbar xanunka kore waxaa kaloo sababi kara xaalado halis ah qaarkood, sida:
Calaamaduhu way ku kala duwanaan Karaan qofba qofka kale iyo ku tiirsanan Karan waxa sababaya xanuunka. Xanuunka wuu khafiifsanaan karaa wuuna ka dari karaa. Waxaad qabi karta xanuun daran oo hal meel jirka ah mise xanuun guud kaasoo imaanaya haddana baxaya. Dhabar xanuun ka aan lahayn sabab cad mise la yaqaano waxaa la dhaha dhabar xanuunka aan caddeyn. Haddii dhabar xanuunkaaga uu saameynaya howlahaga maalinlaha mise kaa joojinaya habenkii hurdo fiican, aadso dhaqtarkaga lafaha mise dhaqtarka guud.
Dhaqtarkaga wuxu ku weydina calaamadahaga wuuna ku baaraa. Kadib ayay ogaan karaan kuuna sharxi karaan sababta keentay dhabar xanuunkaaga mise kuu soo jeediyan tijaabooyin qaar. Dhabar xanuunka kore waxa badana sababa cadaadiska murqaha, lakin mararka qaar waxa jiri kara xaalado kale oo ka qatarsan. Waxa jira calaamdo gaar ah uu dhaqtarka fiirin doono oo caddeyn kara xanunkan. Waxay dhahan calamadahas calamada gaduudan waxayna isugu jiraan:
Dhaqtarkaaga wuxuu kaloo ka wareysana xanuunka si uu u fahmo inuu daran yahay iyo waxa sababi kara. Tani Waxay kalo la micno noqon kartaa calanka gaduudan haddii:
Dhaqtarkaaga wuxuu ku weydiina haddii daciifnimo uun kaa haysay lugahaga, mise dhibaato kaadi haysta mise mindhicirada sida kaadi iyo saxaro cesho la’aan. Tani waxay gayn karta cadaadis neerfaha laf dhabartaada mise xudunta laf dhabarka ku dhaca, kaasoo sababi kara saxanka sibxaday mise dhaawac.
Haddii aad qabto xaalad kale oo saameyneysa sanbabahaga, oesophagus, caloosha, xameetida, beerka mise xameetida, xanuunka ayad u tixaraaxi karta. Tani waa marka dhibaato ka jirta meel kale oo sababaya xanun dhabarka kore.
Markii loo fiiriyo Calamadahaga, tijaabada iyo caafimad horey uso martay, dhaqtarkaaga wuxuu kuso jeedin kara tijaaboyin dherad ah. Oo waxa kamid noqon kara dhiig baaris, Raajooyin iyo MRI scan (baaris oo loo isticmaalaya bir-qabatoyin iyo hirarka radiyaha si ay uso saaraan sawirka jirkaaga gudihiisa). Waxa kalo laga qaadi karaa DEXA scan, kaasoo cabiraya xooga lafahaga ay leyihin.
Haddii ad qabto dhabar xanuunka kore, badana waxay u egtahay inuu iska fiicnaado daaweyn la’aan. Haddii uu wax halis ah sababin, malaha isaga ayaa iska fiicnaan doona isbuucyo gudaheed.
You can try some self-care measures such as improving your posture or putting an ice pack or heat pack on the area that hurts. Make sure you wrap this in a towel and don’t apply it directly to your skin. You can also take over-the-counter painkillers such as ibuprofen or paracetamol as pain relief for upper back pain. Ask your pharmacist for advice.
Haddii xanuunku sababay xaalad gaar ah, daaweyntada waxay ku xernaan doonta dhibaatada sababaysa xanuunka.
Daweynada waxay isugu jiri karaan daawoyin, daweynta lafaha, cirbado iyo daweynada gacanta ah.
Talooyinkan soo socda waxay kugu cawinayan kahor tagidda inu siyado dhabar xanuunka kore.