Dhaawacyada jilibka
Dhaawacyada jilibka waxay sababi karaan xanuun, barar, iyo dareenka inu jilibkaga wado siin doono (xasilooni la’aan). Caadiyan waa xirmoyinka waxa dhaawacmay. Kuwani wa unugyada isku qabta lafahaga. Waxaa kaloo dhaawici karta unugyada kale ee ku hareereysan jilibkaga, sida carjawda mise seedaha.
Calaamadaha dhawacyada jilibka
Haddii seedka jilibka ku jeexmay, calaamaduhu waxay noqon karan:
- Xanuun
- Barar
- Xasillooni la’aan – waxad dareemi karta in jilibkagu sii baqdinaya
Waxa kaloo :
- Dareemi karta mise maqli shanqar qac ah mise dilaac markad dhaawcdo xirmooyinka
- Ogaan karta inadan culeyskaga dhan ku tiirsan karin lugtaada
Haddaad dhaawcdo wareega jilibkaaga ku jira, waxaad :
- Qabi karta xanuun oo jilibkaaga wuu barari kara saacado kadib
- Qabi karta jilib ‘xeran’ kaso aadan sidi hore udhaqaajin karin
- Weli awoodi kartaa inad wax yar ku socoto lugtaada
Haddaad dilaacisay seedahaaga, waxad isku arki karta xanuun iyo barar. Waxa kalo arki karta :
- Daboolka jilibka oo kahooseya mise ka koreeya booskisa
- Inad awoodi karin inad kor uqaado jilibkaga
Haddaad qabto prepatellar bursitis, waxad qabi karta:
- Barar daboolka jilibka korkiisa ah
- Xanuun jilibka gudihiisa ah oo kasii dara markad fooraarsato
- Jilbajabsi iyo socodka oo ku dhiba
- Maqaar gaduudan jilibka kokiisa
Haddad infakshan qabto, jilibkaga wuu gaduudan kara, kuleyl ad dareemi iyo xanuun. Heerkulkagu wuu sareyn saraa. Mar walba so arag dhaqtarkaaga guud haddad calaamadahan qabto.
Haddaad dhaawacday jilibkaga oo xanuunka khafiifsan yahay mise dhex-dhexad yahay mise si tartiib ah kugu siyaaday, waxad soo booqan karta dhaqtarkaaga lafaha.
Sababaha kena dhawacyada jilibka
Waad dhawici karta jilibkaga haddaad:
- Jug siiso jilibkaga oo udhaqaaqa meel ka baxsan xadkisa caadiga ah – tani waxay dhici kartaa markad kufayso mise haddaad u dagato si xun ah
- Ciyaarto ciyaraha sida kubadda cagta taaso isku darta orodka, boodidda iyo istaagidda wadata isbeddelka booska dhaqsaha ah
- Moroojiso jilibkaga, qaasatan ciyaaraha, sida kubadda cagta mise basketbal ka
- Jilibkaaga ku dhufato qeebta hore ee shil baabuurka, kaasoo dhaawici kara seedka ‘posterior cruciate’ la dhaho
Way ku fududahay inu dhaawac ka gaaro seedka jilibka haddii:
- Aad qabto cudurka kala-goysyada ee jilibka, kaso tani daciifin karta murqaha ku hareereysan kala-goyska jilibkaaga, kaasoo siyaadisa khatarta xanuunka
- Aadan sameyneyn kataxarid markaad aalmiitaynayso sida inadan is kululayn kahor aalmiitada mise aadan is qaboojin kadib aalmiitada
Is-caawin ta dhaawacyada jilibka
Haddaad dhaawacday muruqa Jilibkaaga, seedka, mise xirmoyinka, mise unugga dabacsan oo ku hareereysan Jilibka, fadlan raac tusaaloyinkan hoose:
- Ilaali. ka ilaali dhaawacaga dhaawac dheerad ah. Waxaad u baahan doonta nasasho dag dag ah lakin muddo badan ahayn. Adigo u fiirinayo dhaawaca, tixgeli inad isticmaasho qalab taageerid ah mise kabka.
- Rarista ugu fiican. Firfircooni noqo intaysan waqti ku dhaafin. Bilaw inad culeys saarto dhaawacaga oo dhis dhaq-dhaqaaq kala duwan. Tani si tartiib ah u sameey oo ha lagula taliyo waxa kuu saxan.
- Baraf. Wax qabow saar sida bac baraf mise digir barafaysan, oo ku duu-duuban shukumaan meesha xanuunka. Tani sameey illa iyo 20 daqiiqo saacado kadib ba labada mise seddexda maalin ugu horeysa.
- Cadaadis. Cadaadi meesha dhaawaca ah adigo isticmalaya suuf si ay kugu caawiso in bararka ka yaraado.
- Kor u qaadis. Kor u qaad dhaawaca wadnaha ka kore. Gacanta dhawacan marada gacanta la gishto gali oo lugaha dhawacan neh ha nastaan, markad fadhido mise kursi ad ku jiifto iyo barkin.
Maalmihii ugu horyesan dhaawac kadib, kahor tag dhaawac dherad ah adigo ka fogaanaya:
- Kulayl. Haku qabaysan biyo kulul, mise suana oo ka fogaaw inad isticmasho jirxoqidda kulul mise bacyo kulul dhaawac kadib
- Qamri. Ka fogaaw qamri wayo fiicnanshaga ayay tartiibi karta oo waxay siyadinaysa fursadaha aad mar kale naftaada ku dhaawici karto.
- Orodka. Ha ordin mise ha sameynin almiitoyin kale oo dhexdhexaad ah wayo waxay sababi Karan dhaawac dheeraad ah.
- Masaajo. Masaajada lagu sameya meesha xanuunsan waxay sababi karta barar dherad ah iyo madoobasho, marka ka fogaaw tani malinta mise labada maalin ugu horeysa.