Xanuunka dhabarka hoose
Xanuunka dhabarka qeebta hoose waa caan. Ku dhawaad seddexdeen laba qof ayaa qaba xanuunka dhabarka hoose nolosheena mar uun. Sababtu caadiyan halis ma ahan badana neh xanuunka wuxuu ku siyaadaa afar illaa iyo lix isbuuc gudaheed. Lakin dadka qaar, bilooyin ama xitaa sanado ayuu kusii socon karaa.
Badanaa xanuunka dhabarka hoose waad is-maamuli kartaa. Lakin calaamadaha qaar awgood, waxaad ubaahan karta inad aado dhaqtarka lafaha.
Ku saabsan dhabarkaaga
Dhabarkaaga qeybo badan aya ku xariirsan, sida lafaha, kala-goysyada, murqaha, xirmooyinka, neerfaha iyo seedaha. Laf dhabarta waxay saacida dhabarkaaga. Waxay ka sameysan tahay 24 lafo kala saaran oo loo yaqaano araxda (vertebrae) lafdhabar oo dulsaaran midba midka kale. Araxda hoosteeda, laf dhabarta meesha ugu hooseesa, waa lafaha ku jira qaskaaga(sacrum) iyo xubinta taranka (coccyx). Araxda dhaxdeeda, saxanada waxay u dhaqmaan sida shoogga nuuga oo u ogolaadaan lafdhabarta inay laabmato.
Xarkaha lafdhabartaada oo dhex mara araxda, oo qaadaya sinyaalo neerfo oo maskaxda iyo jirka intiisa kale udhaxeeya. Tiir dhabarka wuxuu ordaa intii dhabarkaaga hoose shaqeyo, kadib nah kusii socdaa inta neerfaha ay gaaraan. Tani waxaa loo yaqaanaa ācauda equinaā, laatiinka ādibka faraskaā, taasoo loo malaynaya inay isku egyihiin. Caadiyan way ku adag tahtay dhaqaatirtu inay sheegan waxa si tooska ah u sababa dhabar xanuun. Sababto ah waxaa jirta qeebo badan oo kala duwan ee dhabarkaaga iyo xubino ku hareereysan.
Calaamadaha xanuunka dhabarka hoose
Calaamadaha xanuunka dhabarka hoose qofba qafka kala wuu kaga duwanaan karaa. Isla markii aad qaado wax culeys ah wuu kuu imaan karaa, mise muddo kabid mise nah sababa laāaan ayuu imaan karaa xanuunka. Xanuunka wuu noqon karaa mid fudud mise mid daran. Dadka qaar waxay xanuun ka dareemi karaan barida mise hal lug hoosteeda, mararka qaar nah illaa iyo kubka mise suulasha ayuu gaaraa. Tani waxaa loo yaqaanaa āsciaticaā.
Dadka dhabar xanuunka calaamadihiisa qaba badankood waxay qabaan wax la dhaho dhabar xanuunka aan caddeyn. Taas waxay udhigmataa ma jirto sababo cad mise faahfaahsan(sida xaalad caafimad oo sababi karta). Macanaheedu waa tijaabooyinka badan inaysan ku caawin karin waayo dhaawac toos ah oo ku dhaca lafdhabarta mise murqaha ku hareereysan oo ku tusinaya xanuunka ma jirto. Inkastoo ay adag tahay in la fahmo, lakin ma jirto sabab halis ah oo keenta xanuunkan.
Goorta la qaato cawinaad caafimaad iyo waano
10 kii qafba 9 qof ayaa isku arka in xanuunka dhabarka hoose ku bogsado afar illaa iyo lix isbuuc. Waxaad arki karta inad kahor fiicnaato, isbuucyo yar gudaheed. Lakin la xariir dhaqtarkaaga guud haduu xanuunku daran yahay, inu ka daro muddo gudaheed mise uu ku bogsanayn afar ilaa iyo lix isbuuc kadib.
Sidoo kale, la xariir dhaqtarkaaga guud si dag-dag ah haddii aad fiicnan dareemi weydo mise heer kulkaagu sareeyo. Iyo haddaad hore kansar uqabtay mise osteoporosis(lafaha ku jaba), dhaqtarkaaga guud wuxuu dooni karaa inuu ku baaro si uu hubsado inaysan jirin sababa kale halis ah. Isla markaas doono caafimad fiiro gaar ah haddii aad:
- Qabto kabaabiyo mise dareen laāaan oo ah dhanka hoose ee jirka mise xubinta taranka
- Kontorooli karin kaadida mise bixitaanka dhanba
- Kontorool ka mindhiciradaada aad weydo
- Si toos ah usocon
karin, lugahaaga daciifnimo ay dareemayan mise cagtaada wey jiidmeysa mise tuurmayasa
Kuwani waxay calaamado u noqon karaan in neerfaha lafdhabarta hoose isku baduujismay. Tani waxaa lagu magaacaabaa ācauda equina syndromeā waxayna u baahan tahay daaweyn dagdag ah.
Sababaha keena xanuunka dhabarka hoose
Dhabar xanuunka aan caddeyn
Kani waa dhabar xanuunka ugu badan. Dhaqtarkaaga kuuma sheegi karo waxa xanuunka sababa, lakin caadiyan xaalad daran kuma imaato. Badanaa waxaa sababa cadaadis murqaha ah, seedaha mise xirmooyinka ku hareereysan dhabarkaaga, lakin si hubaal ah cidna uma oga.
Dhacda cad mise dhaq-dhaqaaq ayaa laga yaabaa inu bilaabay dhabar xanuunkaaga. Waxaa laga yaaba inaad cadaadinaysay, maroojinaysay mise aad qaadaysay wax culeys ah. Mise waxaa laga yaabaa unu tartiib tartiib u imaaday. Dadka qaar waxay ku xeran tahay shaqada hawlaha soo noqnoqda laga qabta mise inaad hal meel u fadhido muddo badan. Haddaad said u cayilantahay nah wuu kuu fuduyahay xanuunka dhabarka hoose. Dhabar xanuunku wuxuu ku imaan karaa fikrada caadiga ee āgisho oo jeexā la dhaho natiijadeeda ee laf dhabartaada ah intad sii duqowdo ba. Joogsi xumo waxay cadaadis saari kartaa murqaha laf dhabartaada ku hareereysan. Dhabar xanuunka waxaa sababi kara qodobyo badan oo isku xidhan, kuwaso kamid ah kuwa shucuurta.
Dhabar xanuunka cad
Mararka qaar, Dhabar xanuunka waxaa sababa dhaawac gaara laf dhabarta qeeb kamid ah, sida:
- Saxanka sibxaday (herniated) ā saxan gumeysi iyo cadaadis ku haya neerafaha lafdhabartaada
- Jab ā dildilaac mise jab ka dhaca lafaha dhabarka midkood, laga yaabaa inay sabab u tahay osteoporosis
- Caabuqa dhabar xanuun ka hoose, waxa sababa xaalad sida ankylosing spondylitis, oo ah markuu habka difaaca jirkaaga uu sababo caabuq ee kala-goysyada laf dhabarta iyo seedaha gudahooda
Dhabar xanuunka waxay kaloo sababi kara xaalad halis ah sida infakshan mise kansar, lakin tani saaid ugu ma badna.
Ogaanshaha dhabar xanuunka hoose
Dhaqtarkaaga lafaha mise dhaqtarka guud caadiyan dhabar xanuunka waxay ku ogaan Karaan calaamadahaaga iyo inay ku baaraan. Dhaqtarka lafaha wa xirfadle daryeel caafimad kaasoo ku taqasusa ilaalinta iyo horumarinta dhaq-dhaqaaqa iyo fir-fircoonida. Waad ubaahan inad toos u aado dhaqtarka lafaha.
Kahor tagidda dhabar xanuunka hoose
Haddii aad ogtahay sidaad u ilaalin lahayd dhabarkaaga, khatarta dhabar xanuunka uu kugu dhici karo wad iska yareen karta. Waxaa ku caawin kara adigo sidan sameynaya.
- Almiito joogto ah ā socodka, dabaasha mise inad isticmaasho baaskiil aalmiito waa kuwa aad saameyn kartid xitaa haddii dhabarka waxyar ku xanuuno. Waqtigaaga qaado haddii aad jirdhismeedkaaga dartiis aalmiitoyin cusub isku dayayso.
- Markaad wax qaadeyso lugahaaga isticmaal adigoo jilba jabsanaya, ha foorarin dhabarka.
- Taagnaanshaha toosi ā haddii aad xafiis ka shaqeyso, hubi in kursigaaga, miiskaaga iyo shaashadda computer-ka ay si saxan kugu habeysan yihiin. Waxay ku caawinaysa haddii maamulkaaga meesha ad ku shaqeyso uu qiimeyn ku sameyo.
- Dhaqdhaqaaq samey ā ha u fadhiisan hal dhinac muddo badan.
Fursadaha daaweynta dhabar xanuunka hoose
Dhaqtarkaaga lafaha wuxuu kugu dhiiri galin doona inad barooweyso tallabooyinka is-caawinta naftaada. Waxay kalo kugu waanin karaan aalmitoyinka aad saameyn karto oo dhabarkaga caawinaya.
Daawynada jireedka ah
Dhaqtarkaga guud wuxuu kuso jeedin kara daweynta jireed (physiotherapy) oo dhabar xanuunka hoose ah. Oo isugu jiri kara:
- Aalmiitoyinka ku jira xarakaadka jirka, dhaq-dhaqaaqa, murqo xoojinta, kontrolka joogsiga iyo is kala bixinta
Daweyn jireedka oo gacmeedka ah, sida masaajo mise isdabamarinta laf-dhabarta (jucis)