Baxnaaninta gacanta jabtay kadib
Wa inaad ku tashataa inaad u baahan doonto in ka badan lix isbuuc in gacantaada sidii hore aad u isticmaasho. Waxaad caadiyan u isticmaali karta gacanta ada si caadi ah iyo xanuun la’aan seddex bilood kadib. Daaweynta jabka kadib waxad u baahan karta caawinaada daaweynta dhaqtarka lafaha.
Aalmiitoyin
Marki jabka kabka la bixiyo, dhaqtarkaaga jireedka wuxuu ku sharxay inad gacantaada iyo laabmatada aad dhaq-dhaqaajin karto. Kadib waxad bilaabi karta aalmiitooyin baxnaanin ah. Hoos waxa ku arki aalmiitooyin safan. Waa muhiim inad sameeso aalmiitada sida lagugu sheegay, si gacantaada culeys saaid ah aadan usaarin.
Waxa a jira tilmaamoyin qaar oo taxaddar ah markad aalmiiteneyso:
o Qalliinka kadib mise marka kabka la bixinayo gacantaada iyo laabmatada si kale way u muuqan karan(barar, mise kalar kala duwan) iyo waxad dareemi karta qallafsanan iyo xanuun.
o Aalmiitada waxay kugu cawinaysa inu qallafsananta iyo xanuunka yaraado. Marka waa muhiim aalmiitadu.
o Aalmiiteyntu kadib, xanuunka(iyo bararka) way kasii dari karaan, lakin hal saac kadib waa inay caadi kuso laabataa. Haddii xanuun yimado baarashtamool aad isticmaali karta.
Bixinta kabka kadib
Labada isbuuc ugu horeysa kadib bixinta kabka isku day inaad u isticmaasho gacantaada howlaha joogtada ah. Ku bilaaw dhaqida, labisashada, wax cunida, dhar laa-laabidda, dhaq-dhaqasho mise makiinada alaabta oo la faarujinayo(alaab qafiif iyo hal hal saxan u qaad). Isku day inaad hawlahan malinti ukala qeybiso oo dhageyso calamadaha xanuunka gacantaada. Xanuunka oo siyaada markii ad qabanayso mise waqti dheer kadib hawsha waa calamad inaad tartiibsato. 4 isbuuc kadib, isku day inad si tartiib ah u siyaadiso xoojinta iyo tirada hawlaha. Waxaa la filanaa in 6 isbuuc kadib aad dhaqaajin kari doonto oo aad isticmaalo karto gacantaada iyo laabmatada si caadi ah mar kale.
Aalmiitoyinka baxnaaninta gacanta jaban
Isku day inaad badanaa aalmiitayso, dooqo 4-6 mar maalintii oo ku cel-celi aalmiito kasta 10 jeer. Si tartiib ah u dhaqaaji hana qasbin.
3.1 Laabid iyo kala bixinta gacanta. Laab oo fidi gacanta iyo laabmatada iyado miiska saaran tahay oo geesaska miiska gaarsii. Tani hadday fududahay, 2 isbuuc kadib waxad siyaadin karta xoojinta aalmiitada adigo sameynaya markaad qabanaysa nus liitar caag biyo ah.
3.2 Xarakadka luxida: gacantaada kula sameey xarkaad luxid ah.
3.3 Wareejinta gacanta hore/jalaqleyda. Beddel inta udhaxaysa calaacasha gacanta iyo gacantaada korkeda adigo wareejinaya dhudhunka iyo gacanta.
3.4 Feer sameey. Feerada soo socda kula sameey farahaaga.
3.4 Suul: suulkaaga, marka hore farta mudursatada soo taabo, kadib neh farta dhexe, kadib neh far sakada, kadib neh far yareeydaada.
3.6 Garabka/xusulka Sameey dhaqdhaqyada wareejinta ee garabka. Laab oo kala bixi xusulkaga. Suaalaha si xor ah u weydii dhaqtarkaaga jireedka, farsamo yaqaanka kabka mise dhaqtarkaaga guud.