Dhaawac cadaadis soo noqnoqda (RSI)
Waa maxay dhawaca caadiska soo noqnoqda
Dhaawaca cadaadiska soo noqnoqda (RSI) waa danqashada iyo xanuun ka jirkaaga gudihiisa oo sababa dhaqdhaqaaqyo soo noqnoqda mise joogsi xun markad sameyneyso hawlo qaar (ku jira shaqada). Waxa kalo lo yaqaana dhaawaca isticmaalka xad dhaafka xirfadeed iyo syndrome ka isticmaal xad dhaaf ah. RSI badana wuxu saameeya laabmatada gacanta iyo gacmaha.
Sidee kugu dhici dhaawaca cadaadiska soo noqnoqda (RSI)?
RSI-ga wuxuu kugu dhici karaa shaqooyin iyo xarakaadyo waasac oo kala duwan. RSI wuxuu kugu siyaadi karaa haddaad istcimaasho computer si joogta ah mise shaqadaada haddii ay ku jirto dhaqdhaqaaqyo soo noq-noqda. RSI wuxuu kaloo ku xiriirsanan kara hiwaayado sida sawiranta, iyo ciyaaraha sida teniska iyo golf ka. Haddii ad umalayso inad qabto RSI, waa muhiim inan layska dhaga tirin.
Sababaha keena dhaawaca cadaadiska soo noqnoqda(RSI)
RSI-ga wuxuu leyahay sababo badan oo macquul ah. Kuwani waa:
- Xarakaadyo soo laalaabta oo la sameya
- Inad sameyso xarakaad ku jira biro qaadis mise wax culeys la qaado
- Xarkaad oo la sameyo waqti dheer iyadon nasasho ku filan la qaadan.
- Joogsi xummo oo ka imaada meesha shaqada oo si xun
u habeysan - Xarkaadyo la sameyo oo ku jirta in boos xun mise daal leh lagu shaqeeyo
- In la isticmaalo qalabka gariiraya
Haddii nooca shaqada aad sameyso ay kordhinayso fursadahaga aad ku qaadid RSI, waxad qaadi karta talaaboyin aad uga hor tagto calaamadaha. Tani kala hadal maamulka shaqadaada.
Calaamadaha dhaawaca cadaadiska soo noqnoqda (RSI)
RSI waxas sababi kara calaamado waasac ah o kala duwan, ay ku jirta xanuun iyo xasaasiyad muraqahaga dhaxdiisa ah iyo kala-goysyada. Calaamadaha kale ee RSI-ga waa:
- Danqasho
- Qallafsanaan
- Jidhidhico
- Kabaabiyo
- Daciifnimo
- Muriqgo’
Waxa laga yaabaa Inadan qabin wax calaamado jireed ah sida bararka, inkastoo jirkaga saaid xanuun u dareemayo. Xanuunku wuu kasii dari karaan haddii aadan wax daaweyn ah helin. Waxay ku gaarsiin karta inaadan awoodin inad samaysato shaqadaada mise xarkaadka caadiga ah. Haddii calaamadahagu roonaadan markad nasato, waxaa fiican inad ka fikirto inad bedeli karto xarakaadkaaga mise la qabsan karto deegaanka shaqadaada. La hadal maamulkaga mise la taliyaha caafimaadka shaqada la tasho. Haddii calaamadahaga RSI-ga sii kordhayaan inkastoo aad is bedel ku sameysay shaqadaada mise xarkaadkaga, ballan ka qaado dhaqtarkaga guud.
Ogaanshaha dhawaca cadaadiska soo noqnodqda(RSI)
RSI-ga ma ahan mid fudud in mar walbo la ogaado sabtoo ah ma jirto baaris cad logu tala galay. Hadii aad aragto dhaqtarkaga guud adigo calamadaha RSI-ga sheeganayo, waxay ku weydiinayan calamadaha wayna ku baarayaan. Waxay kalo ku weydiin karaan caafimad ad hore uso martay iyo nooca shaqada ad qabato. Usheeg dhaqtarkaaga guud haddaad isku aragtay in xarkaadyo qaar ay sababi karaan calaamdahaga mise kasii xumaanayso.
Dhaqtarkaaga guud wuxuu kuso jeedin karaa tijaaboyin qaar. Kuwani waxa logu tala galay in la arko in xaalad caafimad jirto oo sabababi karaysa calaamdahaga. Tani waxa ku jiri karta dhiig baaris iyo cilmibaarista neerfa gudbiyaha, tusaale ahan.
Is-caawinta dhaawaca cadaadiska soo noqnoqda (RSI)
Yaraynta xarakaadka
Waxaad arki karta calaamadaha RSI-gaga inu horumaro markad nasiiso meesha saameynta leh jirkaaga. Isku day inaad ka qaadato nasasho buuxdo xarakaadka calamadahaga kiciya, kadibna dib usoo celiya marka calamadahaga kaa dagaan. Haddii ay tani wax ku ool lahayn, way ku caawin karta haddii aad xad uyeesho waqtiga aad ku bixiso xarkaadka. Meesha xanuunsan dhaq-dhaqaaji iyadon xanuun ku sababayn si ay u caawiso in murqaha kala baxo uuna xoogsanaado.
Is-beddelada shaqada
Haddii calamadahaga ay xeran yihiin shaqadaada, ugu horeyn wa inad la hadasha maamulkaga mise kormeerahaga. Qofka aad ushqeyso wuxuu kuso jeedin kara daweyaha shaqada mise la taliyaha caafimaad ee shaqada jooga inay ku cawiyan mise kula taliyan. Adigoo fiirinaya deegaankaga shaqada iyo sida aad u shaqeeso, waad ogaan karta xarkaadka keenaya xanuunka. Haddaad awoodo shaqadaada sii wado, lakin isku day inad sameeso tallaaboyin aad ku yareeneyso waqtiga aad ku bixiso xarakaadkan. Haddaadan joojin karin mise yareyn karin xarakaadka sababaya dhibaatada, nasashoyin gaaban oo joogto ah qaado si aad u kala bixiso oona dhaq-dhaqaajiso gacmahaga. Waxad isku dayi karta inad waqtigaaga u kala qeybiso hawlo kala duwan inad sameeso si aadan ugu qaadan waqti badan hal wax oo keliya aad sameyneyso. Haddad iscticmaasho computer, waxaad badali karta mouse-kaga mise keyboard-ka si xanuunka kaa yaraado. Waxaad soo gadan karta kuwa qaasatan loosoo habeeyay kuwaso dhaq-dhaqaaqaga intii macquul ah caadi ka dhigaya. Majirto cadeyn rasmi ah inay wax tarayan lakin dadka qaar wax tar ayay u arkaan.
Qabow iyo kulayl
Waxa isku arki karta haddii ad bac qabow saarto meesha xanuunsan jirkaga, waxay ku cawinaysa xanuunka oo yaraada iyo baraka oo daga. Markii calaamadahaaga ay kacaan, meesha saar bac baraf ah mise baraf shukumaan lagu duu-duubay. Isticmaal bac baraf ah mise baraf illaa iyo 20 daqiiqadod markiiba. Ha saarin baraf maqaarkaga si toos ah maxa yelay barafka maqaarka ayuu dhawici kara. Haddii baraf wax kugu tareynin, waxaad barooweyn karta daweynta kulaylka ah. Si tartiib ugu qabo bac biyo kulul ah mise dhalo biyo kulul ku jira meesha xanuunsan ee jirkaga. Haddii kale, barowey qaweys qandac ah.
Xanuun baabi’iyeyaal
Xanuun baabi’iyasha rasiit la’aanta la gado, sida daawooyinka non-steroidal anti-inflammatory (NSAIDs) iyo barashtamool waxay kugu caawin karan in calamadahaga fududaado. Xanuun baabi’iyashan waxad kaso gadan karta farmashiga mise dukaanada, lakin si joogta ah ha uqaadan adigo qaadan dhaqtarkaaga guud waanadiisa. Xanuun baabi’iyasha si joogta ah loo qaato xanuunka way joojin karan, lakin waxad sii wadi karta inad sameeso xarkaadka sababaya calaamadahaga adigoon ogayn. Tani xaaladdaada muddo dheer ayay sii xumaan karta.
Daaweynta dhaawaca cadaadiska soo noqnoqda(RSI)
Daaweynta lafaha
Haddii cabirada is-caawinta iyo isbadal kasta aad ku sameeso shaqada aysan ku caawinayn inu calamadahaga hagaajismo, waxad ubaahan karta inad so aragto dhaqtarka daweynta lafaha. Waxay ku tusinayan sidad u nasiin lahayd jirkaga si xanuunkaga u fudaado. Waxay kaloo kugu cawinayaan inad kala bixiso mise xoojiso murqaha wax gaaray oo la jirta aalmiito aamin ah oo dabacsan, iyo inad ku fadhiisato mise ku shaqeyso joogsi fiican.
Cirbadaha steroid ka
Haddii daaweyno kale aysan wax kugu tarin mise aad caabuq la qabto meel seedaha kamid ah, dhaqtarkaaga guud wuxuu jeedin karaa inad qaadato cirbad corticosteroid ah.
Qaliinka logu talagalay RSI
Haddii dhaqtarkaaga guud uu uga shakiyo in calaamadahaga ay sababen xaalad cacfimaad cad sida sendaroomka ‘carpal tunnel’ la dhaho, waxay kuu diri karaan dhaqtar qalliin oo ku taqasusa qeebtan.
Kahor tagidda dhaawaca cadaadiska soo noqnoqda (RSI)
Si ad uga hor tagto RSI, isku day inad xaddido ficiladaada soo noqnoqda, qaasatan hadday ku jiran isticmalka qalab culus mise gariir. Waxa kaloo u baahanaysa inad hagaajiso joogisgaaga shaqada iyo deegaankaga iyo qaado nasashoyin joogto ah. Shaqaalaha waxay leyihiin waajibad sharciyaysan si looga hor tago RSI-ga shaqada keenta mise la joojiya RSI hore u jiray inu kasi daro. Tani waxay hoos imaada caafimaadka iyo aaminka shaqada iwm. Ku dhaqan 1974 iyo maamulka caafimaadka iyo aaminka ee xeerarka shaqada 1999. Haddaad isticmasho computer shaqada, waxaa ku ilaalinaya xeerarka caafimaadka iyo aaminka 1992 (Bandhiga Qalabka Shaashada). Haddaadan ficil sameyn, RSI-kaaga wuu gaari xumaan illaa hawshaada si toosan u qabsan karin. Dhaawacyada badankood waxa sababa joogsi xumo, in loo shaqeyo si caadi ahayn mise si raaxo la’aan ah mise lagu shaqeeyo qalab culus. Maamulkaga waa inuu qiimeeya khatarta iyagoo u fiirsanaya sida aad shaqeeso iyo inay radiyaan dhibatoyin macquul ah. Kadib waxay u baahan karaan inay:
- Baddalaan habka shaqadaada iyo degaanka shaqada intii xirfad ahaan macquul ah
- Ku siiyaan qalabka saxda kuu ah si aad shaqadaada si aamin ah u qabsato
- Kugu dhiiri galiyan inad nasashoyin joogto ah qaadato oo shaqada nah xilligeedii aad ka baxdo