033 - 2003259
Aniimiyada ama Dhiig-yaraantu waa ereyga guud oo loo isticmaalo in eey ogsijiinta ku jirta dhiigaaga ay aad u yartahay, taas oo kaa dhigi karta inaad dareento daal iyo daciifnimo. Waxaa jira sababo kala duwan oo keena dhiig-yarida:
Dhiig Yaraanta birta waa dhigaagaga oo bir la’aan noqda
Caado badan iyo uurku waxay sababi karaan birta oo dhiiga ku yaraato, tan waxaa lagu daweyn karaa daawooyin. Xaalado kasta oo kale oo keena lumis dhiig ayaa sidoo kale keeni kara birta oo dhiiga ku yaraata.
![]() |
![]() |
Dhakhtarku wuxuu ku weydiin doonaa qaab nololeedkaaga iyo taariikhdacaafimaad. Baaritaan fudud oo dhiig ah ayaa xaqiijin doonta haddii aad qabto dhiig-yari, taasoo laga yaabo in si isdaba joog ah loo sameeyo dhowrka bilood ee soo socda si loo hubiyo in heerka birta uu ku soo noqonayo sidii hore. Takhtarku waxa kale oo laga yaabaa inuu kuu gudbiyo dhakhtar takhusus leh si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Waxa laguu qori doonaa kaniini bir ah si loogu badalo birta jidhkaaga ka maqan. Waxaad u baahan doontaa inaad qaadatid kaniiniga maalin walba, ilaa 6 bilood. Inaad cabto casiirka oranjada ka dib markaad qaadatid kiniiniga waxa laga yaabaa inay ku caawiso inuu jidhkaaga sifiican u nuugo birta.
Waxyeelooyinka kaniinga waxay noqon karaan:
Isku day inaad kaniiniyada qaadato adigoo cuntada cunaya ama wax yar ka dib cuntada si aad u yarayso fursada waxyeelooyinka. Waa muhiim inaad sii wadato qaadashada kaniiniyada, xitaa haddii aad leedahay waxyeelooyin.
Ka ilaali kiniinka kabka birta meel aanay carruurtu gaadhi karin. Qaadashada xad-dhaafka ah ee birta ee ilmaha yar waxay noqon kartaa dhimasho.
Eat and drink more:
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Iska yaree cunida iyo cabida :
Hadii aan la daaweynin, dhiig-yarida birta waxay kugu keeni kartaa khatar ah inaad jiro ama caabuq qaado. Waxaa laga yaabaa inay kordhiso khatarta ah inay kugu dhacdo dhibaatooyin saameeya wadnaha ama sambabada - sida wadnaha oo si saxsan u shaqaynayn. Xilliga uurka, dhiig-yaraantu waxay keeni kartaa khatar weyn oo keeni karta dhibaatooyin ka hor iyo ka dib dhalashada.
Nooca kale ee dhiig-yarida waa fitamiin B12.
Waxaa jira sababo badan oo keeni kara inuu fitaamin B12 ama folate-ka jirka kuyaraadaan:
Calaamadaha fitamiin B12 yaraanta:
Waxaad heli doontaa fiitamiin dawooyin kabiya fiitamin B12, oo inta badan marka hore lagu siiyo irbad. Intaa ka dib waxaad u baahan doontaa kiniinada B12 inta u dhaxaysa cuntooyinka ama cirbado joogto ah. Daawayntan ayaa laga yaabaa in loo baahdo illaa iyo inta noloshaada ka hadhay.
Wax badan cun:
Kiniinnada birta | Folic acid-ka | Kiniinnada B12 | |
Inta la qaadanayo | 12-16 toddobaad | 10-16 toddobaad | 8-10 toddobaad |
Goorma ayaa dhiiga laga qaadaa? | 4 usbuuc kadib | 4 usbuuc kadib | 4 usbuuc kadib |
Goorma ayaa la qaadanayaa kaniiniyada? | - 2 saacadood ka hor cabitaanka kafeega, shaaha, caanaha
- 4 saacadood ka dib markaad cabto kafee, shaah, caano |