033 - 2003259
Xanuunka qabadka ee kadiska ah ee meel gaar calooshaada ah ayaa laga yaabaa inuu calaamad u yahay dhibaato halis ah. Si degdeg ah ayey uga sii dari kartaa haddi aan la daaweyn.
Sababaha halista ah ee xanuunka caloosha ee degdega ah waxaa ka mid ah:
● 'appendicitis' ama bararka qabsinka - bararka qabsinka macnaheedu waa qabsinka ayaa u baahan doona in la saaro
● boogaha caloosha oo dhiig baxaya ama daloolsan
● bararka xameetida - bararka xameetida, kaas oo laga yaabo in loo baahdo in la saaro
● Kelyaha oo dhagax leh – dhagxaan yaryar waa laga yaabaa inay kaadida soo maraan, laakiin dhagxaan waaweyn ayaa xidhi kara tuubooyinka kelyaha, waxaadna u baahan doontaa inaad aaddo cisbitaal si aad loo jejebiyo.
● diverticulitis-ka - bararka dambiilo yaryar ee ku yaala mindhicirka oo mararka qaarkood u baahan in lagu daweeyo antibiyootiga isbitaalka
Haddii GP-gaagu uu ka shakiyo inaad qabtid mid ka mid ah xaaladahan, waxaa laga yaabaa inuu isla markiiba kuu gudbiyo isbitaalka. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa Xanuunka caloosha kadiska ah inuu sababi karo ama ay ka timid caabuq ku dhaca caloosha iyo mindhicirka (gastroenteritis). Waxa kale oo laga yaabaa inay sabab u tahay ama keento muruqa calooshaada oo jiidmay ama dhaawacmay.
Sababaha keena calool xanuunka waxaa kamid ah:
- Cunto dufan leh
- Daawooyinka qaar
- Cudurka loo yaqaan qabsinka ama 'appendicitis'
- Sunta cuntada
- Caabuqa kaadiheysta
- Caabuqa fayras (hargabka caloosha)
- Calool istaag
- Murugada
- Caadada
- Dhagaxaha xameetida
La tasho GP-gaaga haddii adiga ama ilmahaagu aad qabtiin calool xanuun joogto ah ama soo noqnoqda. Sababta badanaa ma aha mid halis ah oo waa la maarayn karaa.
● cudurka carqaladeeya madhicirada ama IBS - xanuunka badanaa waa yaraadaa markaad musqusha gasho
● caabuqa bararka mindhicirka - tusaale ahaan cudurka Crohn-ka , ulcerative colitis-ka iyo endometriosis-ka
● caabuqa kaadi mareenka oo soo noqnoqda – waxaad kale waxay heli dareen gubasho marka aad kaadiso
● calool istaag
● xanuunka caadada - xanuunka majiiriska murqaha ee haweenka kuwaas oo ku xiran wareegga caadada
● boogaha caloosha
● laabjeexa iyo aashitada caloosha oo dib ugu soo noqda dhuunta
● Gaastiriga (barar ku dhaca caloosha)
● calool istaag
● caabuqa kaadi mareenka oo soo noqnoqda
● laabjeexa iyo aashitada caloosha oo dib ugu soo noqda dhuunta
● dhanjafka caloosha - xanuunada caloosha oo soo noqnoqda oo aan sababtooda aan la aqoonsan karin
Haddii aad qabto calool xanuun, cab biyo badan ama shaah (2 litir maalintii). Si joogto ah u cun si qaybo yaryar maalintii . Samee jimicsi (socodka, baaskiilka). Cun cunto qani ku ah fiber-ka, iska ilaali cunista cuntada dufanka leh, khamriga, cabitaannada kaarboonka leh iyo kafeega.