Cholesterol Somalisch

Kolesterool

Kolestaroolka oo sareeya

Kolestaroolka oo sareeya waa marka aad ku kuleedahay dhiiggaaga in badan maaddooyinka dufanka leh ee loo yaqaan kolestaroolka

Sababaha

Kolestaroolka sare waxaa badanaa keena cunista cuntada dufanka leh, jimicsi la'aanta, miisaanka xad dhaafka ah, sigaarka iyo cabbitaanka khamriga. Waxay kale oo noqon kartaa cudue loo kala dhaxlo qoysaka.

Calaamadaha

Kolestaroolka oo sareeya ma keeno calaamado. Waxa kaliya aad ku ogaan kartaa inaad qabto in baaritaan lagu sameeyo dhiiggaaga

Khatarta kolestaroolka

Kolestaroolka badan ayaa xannibi kara xididdada dhiiggaaga. Wuxuu keeni karaa in uu kugu dhaco mashaakil wadnaha ama istaroog.

Hooseenta Kolestaroolka

Waxaad hoos u dhigi kartaa kolestaroolkaaga inaad cunto caafimaad ah cunto oo aad jimicsi sameysid. Dadka qaar ayaa sidoo kale u baahan inay dawo qaataan.

Cunido cuntada dufanta ku yar
Si aad u yarayso kolestaroolkaaga, isku day inaad yarayso cuntada dufanka leh, gaar ahaan cuntada ay ku jirto nooc dufanta kaydsan oo loo yaqaan “saturated fat”.  waxaad weli cuni kartaa cuntooyin ay ku jiraan dufanta aan keedsaneyn ee caafimaadka leh oo loo yaqaan “unsaturated fat”.

Isku day inaad wax badan cunto :

  • kalluunka saliidda leh, sida mackerel-ka iyo salmon-ka
  • bariis bunni ah, rooti iyo baasto
  • looska iyo iniinaha
  • miraha iyo khudaarta
Afbeelding met tafel, houten, voedsel, vissen

Automatisch gegenereerde beschrijving Afbeelding met voedsel, schotel, oranje, sushi

Automatisch gegenereerde beschrijving Afbeelding met bord, voedsel, tafel, kom

Automatisch gegenereerde beschrijving

Isku day inaad wax yar cunto :

  • hilibka doofaarka, sausages-ka iyo hilibka dufanka leh
  • subagga noocyadiisa kala duwan
  • kareem iyo farmaajo adag, sida cheddar-ka
  • keega iyo buskudka
  • cunto ay ku jirto saliid qumbaha ama saliid timireed-ka
Afbeelding met voedsel, room, dessert, boter

Automatisch gegenereerde beschrijving Afbeelding met kop, tafel, bord, binnen

Automatisch gegenereerde beschrijving Afbeelding met voedsel, bord, binnen, schotel

Automatisch gegenereerde beschrijving

Jimicsi badan samee
isku halgan inaad sameyso ugu yaraan 150 daqiiqo (2.5 saacadood) oo jimicsi todobaadkii.

  • socodka - isku day inaad si degdeg ah u socotid si wadnahaagu u bilaabo inuu si dhakhso ah u garaaco
  • dabaasha
  • baaskiil

Jooji sigaar
cabista sigaarku waxay kor u qaadi kartaa kolestaroolkaaga waxayna kaa dhigi kartaa inaad la kulanto dhibaatooyin halis ah sida wadna xanuun, istaroog iyo kansar. Haddii aad rabto inaad joojiso sigaarka, waxaad ka heli kartaa caawimo iyo taageero dhakhtarkaaga.

Iska yaree khamriga

  • Iska ilaali inaad cabto in ka badan 14 unug oo khamri ah todobaadkii
  • dhawr maalmood oo aan khamri caybanin samayso usbuuc kasta
  • iska ilaali inaad cabto aalkolo badan waqti gaaban gudaheed (cabitaanka xad dhaafka ah)

Daawooyinka ka hortagga kolestaroolka sare

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato dawo aad hoos ugu dhigto kolestaroolkaaga haddii heerka kolestaroolkaagu aanu hoos u dhicin ka dib markaad beddeshay cuntadaada iyo qaab nololeedkaaga ama haddii aad halis sare ugu jirto inuu kugu dhaco wadne qabad ama istaroog.

Statins
Statins waa daawada ugu badan ee loo isticmaalo kolestaroolka sareeya. Waxay yareeyaan xaddiga kolestaroolka jirkaagu sameeyo. Waxaad qaadanaysaa kiniini hal mar maalintii. Caadi ahaan waxaad u baahan tahay inaad intaad nooshahay qaadato

Daawooyinka kale ee loogu talagalay kolestaroolka sare
Waxaa laga yaabaa in daawooyin kale la isticmaalo haddii statins shaqayn waayo ama aadan rabin inaad qaadato statins. Sida ezetimibe, fibrates, hakiyayaasha xameetida (sidoo kale loo yaqaan resins) iyo bempedoic acid. Waxa kale oo laga yaabaa in lagugu duro - sida alirocumab iyo evolocumab.