Diabetes mellitus type 1 Somalisch

Sonkorowga – Nooca 1

Waa maxay Sonkorowga

Nooca 1-aad ee xanuunka sonkorowga wuxuu keenaa in heerka gulukooska (sonkorta) ee dhiigaaga uu aad u sarreeyo.

Wuxuu dhacaa marka jidhkaagu aanu soo saari karin hormoon ku filan oo loo yaqaan insulin, kaas oo koontaroolaya sonkorta gulukoosta ee dhiigga. Waxaad u baahan tahay irbado maalin walba oo insulin ah si loo xakameeyo heerka gulukooska dhiiggaaga. Maaraynta nooca 1-aad ee xanuunka sonkorowku waxay qaadan kartaa wakhti si aad ula qabsato, laakiin wali waxaad samayn kartaa dhammaan waxyaalaha aad jeceshahay. Hagahani waxaa loo qoray inuu ku caawiyo. Nooca 1-aad ee xanuunka sonkorowku kuma xidhna da'da ama miisaanka xad-dhaafka ah - arrimahan waxay ku xidhan yihiin nooca 2-aad ee sonkorowga.

Calaamadaha

●      haraad badan inaad dareento

●     inaad kaadiso in ka badan sidii caadiga ahayd, gaar ahaan habeenkii

●     dareen daal badan

●     luminta miisaanka adiga oo aan isku dayin

●     Cabeebka soo noqnoqda

●     aragti cakiran

●     boogag iyo meelo xagxagan aan dawo lahayn

●     Neef u uraya sida miraha

Nooca 1-aad ee xanuunka sonkorowku si lama filaan ah ayuu ku iman karaan, gaar ahaan carruurta.

Iska baadhista nooca 1-aad ee xanuunka sonkorowga

Takhtarkaaga guud ayaa kaa qaadi doona baaritaanka kaadida waxaana laga yaabaa inuu eego heerka gulukoosta dhiiggaaga (sonkorta). Haddi ay u maleeyaan inaad qabto sonkorow, waxay kugula talinayaan inaad isla markaaba isbitaalka aado si loo qiimeeyo. Haddii lagaa helo sonkorowga nooca 1aad, kalkaalisada sonkorowga ayaa ku tusi doonta waxyaabaha aad u baahan tahay inaad samayso si aad u bilowdo maaraynta, sida in la baadho gulukoosta dhiigaaga iyo sida loo duro insulin.

Goorma ayaa lawacaa Dhakhtarka ama Isbitaalka?

  • Markaad qandho leedahay (38 darajo ama ka badan)
  • Markaad dareento jahawareer
  • Cunista macmacaanka oo aan waxaba tarin marka heerka sonkortu aad u hooseeyso.
  • Hadaad Shubmayso
  • Insuliin badan ayaad isku durtay
  • Haddaad matagayso

QR Code naar deze pagina:

QR Code