Koorts bij kinderen Somalisch

Qandhada Caruurta

Waa maxay Qandhadu

Heerkulka sare aad ayay ugu badan tahay carruurta yaryar. Heerkulka caadi ahaan wuxuu sidiisii dabiiciga ahaa ku soo noqdaa 3 illaa 4 maalmood gudahood.

Waa maxay heerkulka sare?

Heerkulka caadiga ah ee dhallaanka iyo carruurtu waa qiyaastii 36.4C, laakiin tani way ku kala duwanaan kartaa ilmaha. Heerkulka sare waa 38C ama ka badan. Heerkulka sare waa jawaab celinta dabiiciga ah ee jidhku ka bixiyo la dagaalanka caabuqyada sida qufaca iyo hargabka. Waxyaabo badan ayaa carruurta ku keeni kara heerkul sare, laga bilaabo cudurrada carruurnimada ee caadiga ah sida busbuska iyo qumanka, iyo tallaallada.

Xaqiijinta heerkulka sare

Ilmahaagu waxaa laga yaabaa:

  • Dareento kulayl ka badan sidii caadiga ahayd markaad taabato dhabarkooda ama laabtooda
  • Daaremo dhidid
  • U muuqdo qof caafimaad daran ama jiran

Isticmaal heerkulbeeg dhijitaal ah, oo aad ka iibsan karto farmashiyeyaasha iyo dukaamada waaweyn, si aad u qaado heerkulka ilmahaaga.

Sababta

Inta badan qandhada waxaa keena caabuq ama cuduro kale. Heerkulka jidhka oo sarreeya ayaa ka dhigaya mid aad u adag bakteeriyada iyo fayrasyada keena caabuqyada inay sii noolaadaan.

Xaaladaha caadiga ah ee keeni kara qandhada waxaa ka mid ah:

  • Caabuqyada neef-mareenka sare (RTIs)
  • hargabka
  • caabuqa dhegta
  • roseola – fayras keena heerkul iyo
  • bararka quumanka
  • caabuqyada kelyaha ama kaadi mareenka (UTIs)
  • cudurrada carruurnimada ee caadiga ah, sida busbuska iyo xiiqdheerta

Maxaad samayn kartaa:

●    sii biyo iyo sharaab badan

●    ka fiirso calaamadaha fuuqbaxa

●    sii cunto hadday rabaan

●    si joogto ah u fiiri ilmahaaga inta lagu jiro habeenkii

●    guriga ku hay

●    sii barasitamool haddii ay dhib qabaan ama ay xanuunsan yihiin

●    raadi talo caafimaad haddii aad ka welwelsan tahay ilmahaaga

Goormaa la wacaa Dhakhtarka?

Isla markiiba wac dhakhtarkaaga, hadii ilmahaagu:

  • uu kayaryahay 3 bilood, wuuxuuna leeyahay heerkul 38C ama kasareeya, ama waxaad u maleyneysaa inay leeyihiin heerkul sare
  • waa 3 ilaa 6 bilood wuxuuna leeyahay heerkul ah 39C ama ka sareeya, ama waxaad u maleyneysaa inuu leeyihiin heerkul sare
  • wuxuu leeyahay calaamado kale oo jirro ah, sida finan, iyo sidoo kale heerkul sare
  • wuxuu leeyahay heerkul sare oo soconaya 5 maalmood ama ka badan
  • ma rabaan inay wax cunaan, ama ma aha sidooda caadiga ah oo aad ka welwelsan tahay
  • wuxuu leeyahay heerkul sare oo aan hoos ugu dhicin baraashitamool
  • fuuqbaxa – sida xafaayadaha aan aad u qoyeen, indhaha oo hoos gela, oo aan ilmeenaynin markuu ooyo

Daawooyinka

It Muhiim ma aha in ilmahaaga la siiyo daawo. Qandhada iskeed ayay iska tagi doontaa. Daawooyinka waxa loo baahan yahay kaliya haddii ilmahaagu uu xanuun hayo ama uu si xun u cabbayo. Ilmahaagu qandho miyuu qabaa oo da'diisuna maka yar tahay 3 bilood? Markaa waa inaad u tagtaa oo tustaa dhakhtarkaaga. Laga bilaabo 3 bilood, carruurta waxaa la siin karaa barashitamool.

  • Inta barashitamolku waxay ku xidhan tahay da'da iyo miisaanka ilmahaaga.
  • Waxaa jira laba dariiqo oo aad barashitamol ku siin karto ilmahaaga:mid dabada laga soo mariyo (daloolka saxarada) ama afka.
  • Waxaad ka iibsan kartaa barashitamool-ka, Etos, Kruidvat, Albert Heijn ama farmashiyaha. Jaantuskan hoose waxaad ku arki kartaa barashitamool-ka ay tahay inaad u soo iibsato ilmahaaga. Tus sawirka dukaanka si ay kuu caawiyaan.
Da'da ilmahaaga: Miisaanka ilmahaaga: Baraashitamool-kee:
Immisa barashitamol markiiba: Immisa kiniini ah ugu badnaan maalintii (24 saacadood) Goorta la qaadanayaa kaniiniga xiga:
3 bilood ama ka weyn 3.0 - 5.5 kilogaraam 60 mg, ka sii dabada Etos Kinderparacetamol zetpillen 60 mg 1 kiniin of
60 mg
2-3 kadib 8-12 sacadood
3 - 12 bilood 5.5 - 10 kilogaraam 120 mg, ka sii dabada

Etos Kinderparacetamol zetpillen 120 mg

1 kaniini of 120 mg 2-3 kadib 8-12 sacadood
1-2 sano 10 - 12.5 kilogaraam 240 mg, ka sii dabada

Etos Kinderparacetamol zetpillen 240 mg

1 kaniini of 240 mg 2-3 kadib 8-12 sacadood
2-4 sano 12.5 - 17 kilogaraam 240 mg, lagu calaanjin karo afka Sinaspril kauwtabletten 2 kaniini oo ah 120 mg 3 kadib 8 sacadood
4 - 6 sano 17 – 22 kilogaaam 240 mg, lagu calaanjin karo afka Sinaspril kauwtabletten 2 kaniini oo ah 120 mg 4 kadib 6 sacadood
6 - 9 sano 22 - 30 kilogaraam 250 mg, kaniini ku dhalaala carabka

Roter Paracetamol Junior Banaan 250mg Smelttablet | Nu € 4.99 | 20tabl | Drogisterij.net

1 kaniini oo ah 250 mg 6 kadib 4 sacadood
9 - 12 sano 30 – 40 kilogaraam 250 mg, kaniini ku dhalaala carabka

Roter Paracetamol Junior Banaan 250mg Smelttablet | Nu € 4.99 | 20tabl | Drogisterij.net

2 kaniini oo ah 250 mg 3-4 kadib 6 sacadood
12 - 15 sano 40 – 55 kilogaraam 250 mg, kaniini ku dhalaala carabka
Roter Paracetamol Junior Banaan 250mg Smelttablet | Nu € 4.99 | 20tabl | Drogisterij.net
2 kaniini oo ah 250 mg 4-6 kadib 4 sacadood